Dedaalo Dib Loogu Bilaabayo Wada Hadaladii Xukuumadda Iyo Col. Caare Oo Bilaabmay

0
781

Hargeysa (Geeska)-Dedaalo iyo Shirar lagu sii amba qaadayo dhex-dhexaadiintii hakadku ku yimid ee Xukuumadda iyo Col Caare, ayaa la wadaa.

Masuuul ku dhowdhow hawshan oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay socdaan dedaalo iyo shirar xal loogu raadinayo qaddiyadda Col. Caare, isagoo muujiyay inuu ku rajo weynayahay in is afgarad iyo heshiis rasmi ah lagu soo gunaanado arrinta u dhaxaysa xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo taliye Caare, “Waxa la wadaa dedaalo iyo shirar xal lagu raadinayo.” Ayuu yidhi masuulkani isagoo intaas raaciyay, “Waxaan ku rajo weynahay in is afgarad, wanaag iyo khayr inay hawshaasi inoogu dhammaato, mana aha weli hawl bislaatay oo saxaafadda loo soo bandhigi karo, laakiin meel wanaagsan inay wax marayaan ayaan kuu sheegayaa.”

Madaxda dhaqanka ee Beelaha Garxajis oo hore ula soo  kulmay Col. Caare, ayaa ka baxay dhexdhexaadintii ay wadeen ka dib shir saxaafadeed uu qabtay taliyaha guud ee ciidanka qaranka sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo Col. Caare ku eedeeyay dambiyo iyo khiyaamo qaran, hadalkaas oo abuuray dareen xaasaasi ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here