Debis:Dhuxulaysato Hal Mashruuc Ka Dhigay  Beeralay! Diyaariye: Saciid Faarax Muuse (cagjar)

0
871

Debis Waa deegaan hoos yimaada degmada cadaadley ee Koonfurta bariga gobolka maroodijeex waxa ay ku fadhidaa baaxad dhul oo dhan 22km2 , waxaana ku nool in ka badan 300 oo qoys. 1974 ayaa deegaanka laga bilaabay mashaariic dhirayn ah,  kaas oo looga  dan lahaa badbaadinta iyo horumarinta deegaanka.

1

Wasaaradda horumarinta deegaanka iyo reer miyiga Somaliland oo gacan dhaqaale ka helaysa sanduuqa horumarinta Somaliland ee “Somaliland Development Fun”(SDF) ayaa ka bilowday xanaaneyn iyo dhir beerid ay kaabayaan moosas biyo qabatin ah, si loo helo dhul horumarsan oo soo celiya bilicdii iyo quruxdii deegaanka dabiiciga ah.

“Afar iyo konton kun oo geed ayaanu  beernay sannadkii hore ee 2016 oo iskugu jiray Sogsog, Galool, Qansax, Maraa, Dhamays,Sayntuun, Gob, Kiddi iyo Xamar,” sidaa waxa yidhi Khadar Maxamed Cawaalle oo ka tirsan Madaxda  Wasaaradda horumrainta deegaanka Somaliland ee degmada Debis.

Cawl Axmed Xayd oo ah Madaxa Maamulka mashruucan ee deegaanka Debis, ayaa sheegay in qorshahani uu wax wayn ka qabtay horumarinta deegaanka iyada oo la sameyeey dhirayn, Dhaam, Berkad iyo shaqaalaysiin ay ka heleen qaar ka mid ah dadka deegaanku .

“Mashruucan waxa aanu ka baranay  faa’iidada ay dhirtu u leedahay deegaanka, waxa aanu ka helnay shaqaalaysin  iyo dhiiri gelin,” ayuu yidhi..

Qoysaska ku nool deegaanka ayaa iska daayey inay dhirta dhuxul ka shidaan taas oo xaaluf ku keenaysa deegaanka iyo nolosha aadamaha, waxayna taa bedalkeeda  ku mashquuleen in ay sameeyaan wax soo saar dhanka beeraha ah.

“Dadkani waa ay joojiyeen dhuxul la shido, waxa ay garteen in deegaankan ay iyagu  leeyihiin, waxaayna hawshii goynta iyo shidida dhirta  ku beddaleen oo ay qotaan beero,” ayuu yidhi Xasan Axmed oo ka tirsan dadka deegaanka.

 

Tallaabadan ayaa noqoysa mid loo qaaday dhinaca horumarka deegaanka oo ah tiirka koowaad ee nolosha aadamaha maadaama cuntada la quuto laga helo dhirta ALLE ku galaday dhulka Somaliland. 

Bulshada ku nool deegaanka ayaa aad u soo dhawayeeyay mushruucan ay fulinayso Wasaaradda deegaanka  oo gacan dhaqaale ka heshay  sanduuqa SDF oo muddo sannad ah ka socday degaanka, waxa ayna Madaxda qaranka iyo Sanduuq horumarinta Somaliland ka codsadeen in ay gacan ka siiyaan sidii ay u heli lahayeen goobo waxbarasho iyo caafimaad oo baahidood daboola.

“Waxa aanu madaxda sanduuqa SDF ka codsanayaa in ay gacan ka gaystaan sidii aanu u heli lahayn , Waxbarasho  iyo caafimaad. maadaama aad ka shaqayseen in aanu helo deegaan horumarsan,”ayuu yidhi  Cawl Axmed Xayd oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Debis.

Degmada Debis marka aad soo gasho waxa kuu muuqanaya dhul aad uqurux badan oo cagaaran isla markaana leh dhir waawayn oo kayn ah  taas  oo soo jiidanaysa indhahaaga, waxa aad markiiba dareemaysaa in degaanakani yahay mid dadkii lahaa ay ka shaqaysteen isla markaana ay ka ilaaliyeen xaaluf  halka deeganada kale  ee ku hareeraysan ay yihiin kuwo abaar ah oo indhihu ay diidayaan.

Hadaba Deegaankani waxa uu mustaqbalka ku wanaagsanaan karaa beeraha taas oo ay dadka deegaanku  u muuqdaan kuwo ku baraarugay  waxtarka ay leeyihiin beeruhu.