Buuggii MARGARET LAURENCE Abaartii Siigacase ee 1952 iyo Somaliland Shalay iyo maanta, waxaa turjumay Maxamed Haaruun. mbiixi@gmail.com..(Q.2aad)

0
829

1 (Bogga 32aad) – Kolkii uu Jack ka soo laabtay Hawdka, waxa noo yimid saddexdii oday ee maalintii uu maqnaa na soo booqday. Waa saddexdii oday ee ila yaabay kolkii aan soo dhaweeyay, ee turjumaanku ii sheegay in aanay odayaashu haweenka waxba kala xaajoonin. Maanta Jack baa jooga, aniguna xagga dambe ayaa aan iska fadhiistay. Odayaashii saddexda ahaa, waa Xaaji Abu-jibriil, Xaaji Yuusuf iyo Xaaji Aadan, oo saddexduba wax garadka deegaanka iyo ganacsato ahaa ayaa bilaabay arrinkii ay u socdeen. Kolkii ay shaaheen ka dib, ayaa uu Xaaji Abu-jibriil yidhi, waxa aan maqalnay in Ingiriisku balliyo ka qodaayo dhulka Hawdka ah, marka uu qodo ka dib na, ay dad badan oo cadaan ahi deegaamo ka samaysanayaan deegaamada ku xeeran balliyada. Ka dib na Xaaji Yusuf baa hadlay, waxa uuna sheegay in uu isagu maqlay in Ingiriisku uu balliyadaas geelooda ku sumaynaayo kolka ay biyaysmaan. Jack ayaa hadlay, waxa uuna sheegay in waxaasi ay yihiin warar aan sal iyo baar lahayn, wax dan ah oo Ingiriis ugu jirta in uu sidaas yeelo na aanay jirin. Sida oo kale waxa uu sheegay in aanay jirin bulshooyin caddaan ah oo diyaar u ah in ay dhulkaas hawdka ah ku noolaadaan.  

Ka dib hadalkii waxa qaatay Xaaji Aadan, dood kale ayaa uuna keenay. Waxa uu yidhi – waa fahamnay in wararkaasi aanay dhab ahayn, laakiin Ingiriisku hadii uu balliyo qodaayo, maxaa uu Soomaalida ugu diri waayay shaqada ha qabtaane? Jack ayaa hadalkii qaatay, waxa uuna yidhi, balliyadu ma aha kuwo gacanta ay Soomaali iyo Ingiriis toona ku qodi karan. Waxa loo baahanyahay mishiinno culculus oo hawsha lagu qabto, kuwaas ayaana balliyada lagu qodayaa. Markii ay halkas maraysay, ayaa ay odayashii isku mar hadalkii jareen, waxa aadna moodaysay in ay isu seenyaaleeyeen. Intoo ay kaceen, ayaa ay yidhaahdeen ‘Nabadgalyo’, waana socdeen. In kasta oo nabad ay noo rajeeyeen, hadana dhab ahan in ay nabadi jirto ma filaynin. Waxa aan garowsanay in doodda noocan oo kale ah, iyo shakiga balliyada laga qabaa uu marar kale oo badan soo noqon doono. 

[Bogga 51aad,, Cutubka 4aad), Jiilaal: 

Wax roob ahi ma helin banaanada hawdka muddo sanad ah. Wax cagaar ahi ma jiro meelnaba; xabbad caleen ah iyo in yar oo doog ah toona ma arkaysid. Meelaha qaarkood waxa aad ku arkaysaa caws ay dabaysha jiilaalku dhulka jiifisay, oo aad u qalalay, aad na u cadaaday. Arladu waa casuus; waa casuus madow oo indhaha kaa mudaysa. Cadceedu si buuxda ayaa ay dhulka u haysaa, faladheheeda kaa dhex dusaaya na ma aha kuwo sinaba looga baxsan karo. Dudumooyinka aborku dhistay, oo qaarkood dhererkoodu saddex joog gaadhaayo ayaa meel kasta ka muuqda. Waa dhismayaal xawayaan yaryari sameeyay, waxa ayna u egyihiin tiirar dhaadheer laakiin se qaab daran. Marka aad sidaas u eegtid, waxa aad u malaynaysaa in aad arkayso magaalooyin idil oo aboor ka taliyo. Meelaha qarkood waxa aad ku arkaysaa dhirtii qodaxleyda ahayd oo taagtagan, iyo laamihii dabayshu ka goysay oo hoostooda daadsan. Waxa aad arkaysaa dacartii oo ay cadceedu laamaheedii dheecaankii ka dhamaysay, oo isku dhadhay. Xawayaankii duurjoogta ahaa, sida garanuugta iyo deeradii, iyaku waa ay hayaameen, oo hawd baa ay biyo u raadsadeen. Waxa muuqata in dadka iyo duunyadooda oo keliyi ay yihiin kuwa aan isku dayin in ay ka baxsadaan jiilaalkan daran.  

Beelahan raacatada ahi waxa ay u dhexeeyaan ceelasha Waqooyiga, sida Burco, Oodwayne, Hargeysa, iyo ceelashha Hawdka, sida Buuhoodle, Laascaanood, iyo Awaare, labada deegaan biyood na, waxa u dhexeeya masaafo boqolaal Kiiloo mitir ah. Dhulka waxa ku hadhay haatan caws jiilal oo qalalay, kaasi na ma badna, sidaas darted waa in ay xoolo-dhaqatadu raacdeeyaan meel ay xoolahooda calaf uga helaan. Geelashu hayaan baa ay ku jiraan oo jidka ayaa ay garab socdaan, socodkoodu se ma aha mid hubanti ku dhisan. Kuwa jilicsani geesta Waqooyi ayaa ay u noqonayaan, kuwooda tirada yar, e aan sidaas u jilicsanayni na, kor baa ay u hayaamayaan. Kuruskii geelu waa uu shiikhay, waxa uuna isaga oo jilicsan ka lushaa dhabarka ay lafuhu soo baxeen. Geelu isaga oo aamusan ayaa uu si luudis ah u socdaa, ragga wadaa na, sida oo kale ayaa ay u daba luudayaan iyaka oo aamusan. Maxaa ay ku hadli lahaayeen xaaladda noocan ah?  

Marka aan ag marayno, waa muuqataa in aanay doonaynin in ay istaagaan, iyo in ay hadlaan toona. Waa muuqataa in ay ka baqayaan hadii ay istaagaan, in ay socod ba hidin waayaan mar kale. Marka aanu ku ag marayno baabuurkayaga Landdrover ka ah,  meesha ay iyaku usbuuc u soconayaan, anaku maalin ayaa aanu ku gaadhaynay. Mararka qaarkood ayaa ay nagu soo taagayeen weelkooda biyaha oo madhan. Hadii aanu biyo dheeraad ah ku haysanno taangiga, waa aanu u joogsan jirnay, Hadii kale na, waa iska dhaafi jirnay. Dhab ahaan wax farqi ah oo sidaas ahi ma u dhaxaynin marka aanu u joogsano, iyo marka aanaan joogsanin. Hadii aanu istaagno, waxa aanu siin jirnay koob biyo ah uun, kaas oo malaha maalin gelinkeed ay socodkooda ku sii wataan. Waaba intaas uun waxa aanu u taraynay.  

Sidaas oo ay tahay, jiilaalkan darani waxa uu xili fiican u ahaa bahasha xuurta la yidhaahdo. Waxa ay ku soo xoomi jireen, iyaka oo qaylinaaya, neefka jilaalku ka adkaado ee bakhtiya. Waxa ay ka dhergaan hilbaha neefka, ilaa ay calooshu xoog u buuxsanto oo ay duuli kari waayaan. Marka baabuurku ku soo dhawaado, ayaa ay isku dayaan in ay caraaraan oo duulaan, ka dib na, dhulka ayaa ay dib ugu soo dhacaan. Afkooda iyo qoortoodu waa casaan, waxaana ka muuqda dhiigii xoolaha. Qoortooda aad maska moodid, ee kor iyo hoos u degaysaa waxa ay jeedaalinaysaa neefaf kale oo meelahaas ku bakhtiyay. Mararka qaarkood, xataa maba sugaan neefka joogsadaa in uu bakhtiyo, waxa ayna ku dagaan isaga oo nool. Waxa ay weerarkooda ku bilaabaan meesha ugu jilicsan oo ah indhaha, iyaka oo wali wax arkaaya ayaa ayna kala baxaan xoolaha ay helaan.  

Jidka dhinaciisa, waxa ka muuqda xabaalo ay ku aasanyihiin dadkii haraadku laayay ee ceelasha gaadhi kari waayay. Dhagxaan yaryar, laamo geed-qodaxeed ah, iyo xaabo ayaa lagu tuulay si xabaasha loo calaamadiyo. Godadka waxa laga dhex sameeyay iil leexsan, kaas oo loola jeedo in maydka lagaga fogeeyo waraabayaasha. Maydka waxa loo jeediyaa dhinaca Makka, salad ayaa lagu tukadaa, ka dib na, beelaha hayaanka ahi socodkooda ayaa ay iska sii wataan. Xaaladda noocaas ah, cidina ma ku dhacdo in ay xabaasha ku sii dul warwareegto, oo qofka dhintay u baroor-diiqdo.  

Ninka Cabdi ah, waa darawalka, gacmihiisu isteerinka baabuurka ayaa ay si xoog ah ugu sii dhagaan marka aanu dadkaas reer-miyiga ah u joogsano, iyo marka aanu iska dhaafnoba. Wajigiisu waa jihaysanyahay, waana adagyahay. Xaaskiisa, caruurtiisa yaryar, iyo qabiilkiisu ba hawdkan ayaa ay joogaan. Sida oo kale, turjubaanka oo ah Xirsi, xaaskiisa Saaqa, iyo labadiisa hablood ba iyaku na Hawdkan ayaa ay joogaan. Indhihiisa fiirada gaaban hadda quus uun baa ka muuqata. “Xili adag ayaa uu Ilaahay ku keenay umaddiisa, laakiin hadii Ilaahay doono waa aanu noolaan.” Ayaa uu yidhi Xirsi. Xiligii gabal-dhaca, Xirsi ayaa tukiyay salaadii, intoodii kale na, cod hoose ayaa ay ugu jiibiyeen. Tukashada salaadda, iyo isku halaynta Eebbe ayaa ah waxyaabaha dadkan u sahla in ay duruuftan u adkaystaan. (Fiiro gaar ah: Cabdi oo darawalka ah, magaciisa oo buuxaa waa – Cabdi Kaahin Suldaan Xassan, waxaana loo yaqaanay Cabdi-weerar. Turjumaanku na waa – Xirsi Jaamac, waxaana loo yaqaanay Xirsi-carrablow)  La soco………….