Dawooyinka Hurdada Qaarkood Waxa Ay Keenaan Cudurka Maskaxda Dila Ee Alzheimer

0
971

London (Geeska)- Xeel-dheerayaal caafimaad oo u dhashay dalalka Faransiiska iyo Kanada ayaa cilmi baadhis ay wadeen muddo 6 sano ah waxa ay ku ogaadeen in dawooyinka hurdada iyo kuwa lagu dabiibo xaaladaha nafsiga ah ee sakatiga iyo walbahaarku ka mid yihiin ay aakhirka keenaan cudurka maskaxda dila ee afka qalaad lagu yidhaahda Alzheimer. Natiijada daraasaddan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay Joornaalka British Medical waxa ay caddaysay in dawooyinka noocoodu yahay Benzodiazepine oo la isticmaalo in ka badan 3 bilood ay aad kor ugu qaadaan khatarta ah in qofkaas uu ku dhaco cudurka asaasaqa ee maskaxda dila, mar kasta oo ay muddada isticmaalak kiniinkani sii badatana khatartu waa ay sii kordhaysaa.

Xeeldheerayaasha cilmi baadhista sameeyey waxa ay dhakhaatiirta kula taliyeen in muddada ay bukaankooda u qorayaan kiniinnadani ay noqoto mid gaaban, haddii laga fursan waayana aanay ka badan 3 bilood. Daraasaddani waxa ay ku soo beegantay xilli dalal badan oo dunida ahi ay gaarkooda u soo saareen digniino la xidhiidha isticmaalka dawooyinka hurdada ee uu ku jiro isku dhiska kiimikaad ee Benzodiazepine iyo kuwa ka farcama, gaar ahaanna waxa ay uga digayaan dadka da’da ah, si aanay u dhaawacin awoodda xusuustooda iyo fahamkooda oo marka horeba da’du hoos u riddo.