Dawo Guri Aad Cabudhka Sanka Kula Tacaali Karto

0
2140

Cabudhku waxa uu ka mid yahay xaaladaha ugu badan ee laga cawdo xilliyada hargabka, qaboobaha iyo dadka sanboorka leh, waxaana jira dawooyin kala duwan oo loo adeegsado. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa is daweyn dabiici ah, ama waxa aynu ugu yeedhno dawo guri uu qofku iskaa daweyn karo ama ugu yaraan ku yarayn karo cabudhka. Waxa se xasuusin ah, in dawadani aanay ahayn mid aad kaga maarmayso talada dhakhtarka. Gaar ahaan xilligan uu aad u faafay xanuunka ‘COVID-19’ oo ay muhiim tahay in qofka dareen isku arkaa uu dhaqso u booqdo xarun caafimaad oo uu iskaga baadhi karo xanuunka.

Sinjibiil:

Sida ay qoraaga Taylor Shea ku sheegtay maqaal ay qortay majaladda Reader’s Digest. Waxa aad soo qaadaysaa gobal sinjibiil ah oo aan ka dheerayn saddex his (3 Inch), waxa aad ku ridaysaa weel ay ku jiraan laba koob oo biyo la kariyey ah, kaddib inta lagu daboolo ayaa lagu deynayaa muddo 20 daqiiqo ah.

Biyahaas ayaa lagu dhex ridayaa maro cudbi ah, inta la iska hubiyo in aanay aad u kululayn si aan loogu guban ayaa wejiga lagu kubbaynayaa (Lagu diirinayaa) muddo 15 daqiiqo ah ama kudhow. Waxaa muhiim ah marka aad sidan samaynayso in aad dhabarka u jiifsato, adiga oo madaxa barkimo kor ugu soo qaadaya.

Waxa kale oo aad cabbi kartaa koob shah sinjibiil leh ah, si uu sanka u furo. Maadaama oo ay sinjibiisu liddi ku tahay caabuqa laga yaabo in uu sanka xidhay.

Duugista wejiga

Sanka hareerihiisa oo si deggen loo duugaa waxa ay dhiirrigelisaa in wareegga dhiiggu uu si dabiici ah u maro agagaarka sanka, taasina waxa ay caawisaa in xanuunka sanboorka laga raysto. Waxa aanay u dhowdahay in cabudhka ay furto.

Muddo 30 ilbidhiqsi ah sanka hareerihiisa labada farood ee murdisooyinka labada gacmood ku cadaadi kuna duuq, kuna celi saddex ama afar jeer.

Khal tufaax

Marka uu sanku ku xidhmo, waxa aad cabbi kartaa in aad u yar oo khalka tufaaxa ah. Khalku waxa uu hodan ku yahay Bootaasiyaamta oo yareeya xabka, iyo asiidh ka hortaga in abuuranto bakteeriyada sababta cabudhku.

Malqacad yar oo tufaax ah ku shub koob biyo ah, kaddibna  cab. Waxa ay caawinaysaa in uu qofku ka nasto sanboorka iyo in sanku furmo.

Biyo

Biyo iyo dareere badan oo la cabbaa waa habka ugu fiican ee lagu yarayn karo xabka iyo dareeraha ku jira marinnada sanka. Taas oo iyaduna dhankeeda caawinaysa in sanku uu yeesho biyo ah xabkii ku xidhnaa oo furfurmay. In ay biyaha ama dareeruhu noqdaan kuwo diirran waxa ay si weyn u caawinaysaa in uu furmo sanka cabudhsani. Koob shah diirran ah iyo biyo caadiya oo la cabbo, iyo sida oo kale sinjibiisha ayaa iyaguna awood u leh in ay furan sanka cabudhsan.

Toon

Toontu waxa ay awood weyn u leedahay dilista jeermiska, waxa kale oo ay yaraysaa cabudhka. Toon bisili ha ka mid noqoto cuntooyinkaaga caadiga ah. Toon inta aad kariso biyaheeda isku uumi. Waxa ay awood u leedahay in ay sanka furto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here