Dawlado Aan Sharciga Caalamiga Ahi Khariiradda Ku Darin, Laakiin Leh Nidaam Xukuumadeed Oo Dhab Ah (3)

0
516

Inkasta oo ay dawladda Seerbiya oo Ruushkuna taageerayey si aad ah uga soo horjeedsatay, haddana tan iyo markii ay Kosovo sannadkii 2008 si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ka madaxbannaanaanayso dalka Seerbiya, waxaa aqoonsaday in ka badan 100 dawladood oo adduunka ah. Waxa kale oo aqoonsaday guddida caalamiga ah ee ciyaaraha olambikada, laakiin illaa hadda waxaa ku adkaaday in ay xubinnimo ka hesho Qaramada Midoobey.

Kosova waxyaabaha ay dalal badan oo aan la aqoonsan kaga duwantahay waxaa ka mid ah dalxiiseyaal aad u tiro badan oo xiiseeya in ay booqdaan. Dalalka ugu badan ee ay dalxiiseyaasha taga Kosovo ka yimaaddaan waa Albaaniya, Turkiga iyo Jarmalka. Canever waxa uu buuggiisa ku yidhi, “Kosovo waxa ay taageero weyn ka heshaa dalalka hodanka ah. dalxiiseyaal badan ayaana yimaadda”

Sannadkii 2018 kii tirada dalxiiseyaasha caalamiga ah ee booqday Kosovo boqolkiiba 19 ayaa ay ka sii badnayd dadkii booqday sannadkii kaas ka sii horreeyey. Laakiin Canever waxa uu buuggiisa ku sheegayaa in ay jiraan dhibaatooyin hareer socda horumarkaas, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu qoray, “Laakiin waxaa jira dhibaatooyin yaryar oo badan, kuwaas oo ay tahay in xal laga gaadho ka hor inta aanay Kosovo noqon dawlad si buuxda u madaxbannaan.

Qubrus iyada ayaa is qaybisay

Canever intii uu socdaalkan dalalka aan la aqoonsan ku jiray, waxa uu tegey Qubrus oo ah gasiirad dhacda bariga badweynta Meditereeniyaanka. Jasiiraddan oo la deggenaa in ka badan laba kun oo sano ka hor dhalashadii nebi Ciise (CS) dhul ahaan waa meel aad u istaraatiiji ah, taariikh ahaanna waxa ay ka mid tahay meelaha quwadaha waaweyn ee adduunku abid ku loollami jireen. Waxaa wada dega dad asalkoodu Giriig yahay iyo kuw Turki ah, waxa aanay u qaybsantay laba qaybood oo tan woqooyi ay Turkidu deggen tahay.

Sannadkii 1974 kii ayaa waxaa xukunka Qubrus afgembi ku qabsaday kooxo milateri ahaa oo uu Giriiggu taageereyey, waxa aanu qorshahoodu ahaa in ay ku daraan dalka Giriigga oo ay ka soo jeedeen. Arrintani waxa aad uga xumaaday dalka Turkiga oo dadka woqooyi la isir yihiin, waxa aanu geliyey ciidamadiisa isaga oo xujo ka dhigtay axdi difaac oo uu hore ula galay Qubrus. Inkasta oo ay qaramada midoobey iyo urur siyaasadeeddada caalamiga ah badankoodu diideen xujada Turkiga.

Intii ka dambaysay qabsashada Turkiga ee Qubrus waxa uu qaybta woqooyi u aqoonsan yahay jamhuuriyad madaxbannaan oo lagu magacaabo Qubrusta Turkida ama Qubrusta woqooyi, halka qaybta kalana ay tahay jamhuuriyadda Qubrus, isla markaana ay ka tirsan tahay midowga Yurub.

Canever waxa uu tegey Qubrusta woqooyi oo dabcan ah dal aan la aqoonsanayn, marka laga reebo dalka Turkiga oo keliya. Waxa aanu buuggiisa kaga warramayaa xaaladda nololeed ee uu ku soo arkay iyo sida kala goosashadu ay saamaynta taban ugu yeelatay guud ahaan Qubrus labadeeda qayboodba.

Waxa uu buuggiisa ‘Uma viagem pelos países que não existem’ ku qoray, “Marka aad xuduudka [U dhexeeya labada Qubrus] ka tallowdo ayaa aad arki kartaa kala duwanaanshiyaha”   Canever waxa uu intaas ku sii daray, “Waxa aan la deggenaa nin ii sheegay in aabihii uu ku dhashay dalka Turkiga, qhooyadiina ay tahay Qubrusiyad-Turki ah. ninkaasi awood uma uu lahayn in uu u tallaabo Qubrus qaybteeda Koonfureed, waayo waxa uu u arkaa in qaybtaasi ay tahay dal kale oo ah Turkey balse aan ahayn Qubrus. Arrintaasi dhibaato ayaa ay ku ahayd, waxaana muuqata in xaalku ku sii adkaanayo jiilka yaryar”

Dan kama laha aqoonsi caalamiya

Abkhaasiya (Abkhazia) oo ah ku taalla gobalka Qawqaaska ayaa iyaduna ah meesha kale ee uu booqday Canever. Waa gobal muran ka taagan yahay oo ay isku khilaafsan yihiin Joorjiya iyo ruushku. Abkhaasiya waxa ay ka go’day dalka Georgia, waxa aanay xidhiidh aad u xooggan la leedahay dalka Ruushka oo saamayn aad ah ku yeeshay.

Canever oo ka warramaya gobalkan oo leh xeeb ka badan 200 oo kiiloomitir oo ku dereran badda madow, waxa uu yidhi, “Abkhaasiya waa meel qurux badan, waxaa ku yaalla dhismayaasha cibaadada iyo khalaaweynta oo aad u qurux badan taariikh fogna la dhisay. Waxa aan ku arkay qurux aanan ka filayn dal aan la aqoonsan. Dad badan oo Ruush ah ayaa xilliga xagaaga taga Abkhaasiya si ay waqti ugu soo qaataan xeebaha. Dalxiisku waa il dhaqaale oo uu caan ku yahay dalku” Laakiin Canever waxa uu sheegayaa in gelitaanka dalkan madaxbannaanida sheeganayaa ay aad u adagtahay, isaga oo arrintaas ka warramayana waxa uu qoray, “Marka hore waa in aan dawladda kula xidhiidho farriin Email ah, oo aad kaga dalbanayso Dalkugalka. Kaddib hay’adda qaabilsan ee aad la xidhiidhay waxa ay ku soo siinaysaa ballanta aad ogolaanshiyaha ku geli karto Abkhaasiya. Isla marka aad dalka gasho waxa aad toos u aadaysaa wasaaradda arrimaah dibadda, si ay kuu siiso fiisaha rasmiga ah”

Arrinta kale ee xiisaha leh ee uu Canever ka qoray Abkhaasiya waa in dadka reer Abkhaasiya aanay danba ka lahayn in adduunku aqoonsado, isaga oo arritnaas faahfaahinayana waxa uu qoray, “Waa dad wadaniyaddoodu xad dhaaf tahay, oo marka ay dalkooda ka sheekaynayaan aad u qiirooda. Waxa ay ku sheegayaan inta uu Ruushku taageerada siinayo in aanay uba baahnayn aqoonsi ay ka helaan Yurub iyo Maraykan”