Mudane Maayer, Ma Laguu Warramay??!

0
2132

W/Q: Kamaal Marjaan

Imtixaanka ugu horreeya ee aanay siyaasiyiinta xil doonka ahi inta badan ka gudbin waa sababta ay mansabka u raadinayaan oo aanay garanayn, waayo weligoodba si deggen isuma ay weydiin. Ugu horreyn waxa aan kugu bogaadinayaa in aad tartanka doorashada gashay adiga oo ugu yaraan garanaya in sababtu ay tahay doonista ‘Hargeysa Cagaaran’, musuqmaasuq la’aan iyo in aad hannaanka shaqo ee dawladda hoose tubteeda saxda ah ku soo dabbaasho. Taas oo haddii aad yeesho, wax fiican ku soo kordhin doonta wanaajinta nolosha aasaasiga ah ee dadkaaga, kuuna furi doono dariiq aad ku gaadho yoolal shishe.
Kumannaan dhalinyaro rag iyo dumar inta waxbaratay u badan ah oo qorshahaaga la dhacay, ayaa inta ay jebiyeen derbigii qabyaaladda waxa ay ku siiyeen codkooda. In aad himiladooda rumayn weydaana, waxa ay god dheer ku ridaysaa rejadii yarayd ee u bidhaantay iyo kalsoonida ay mustaqbalka ku qabi doonaan siyaasi kasta oo hadallo qurux badan la hor yimaadda, ama iyaga ayaa ay ka xidhi doontaa jidka ay doonayaan in ay hannaankaagaas oo kale u maraan siyaasadda. Adigana waxa ay kaa hor istaagi fursaddii aad ku ilaashan lahayd magacaaga, oo ah hantida ugu qiimaha badan ee qof ku faano.
Khamiistii 17 ka June, waxaa la gaadhay waqtigii aad noqon lahayd ruux ay ka dhab tahay in uu doonayo wax ka duwan hadal tirada xilliga ololaha, iyo kaftanka iyo haasaawaha siyaasadeed ee sida xaragada leh la isku weydaarsado miisaska casuumadaha iyo munaasabadaha aroosyada. Waa in aad yeelataa han iyo dareen ah in ay jirto hawl u baahan in wax laga qabto, adiguna aad tahay qofkii laga sugayey.
Laba sano iyo dheeraad aan dawladda hoose ee Hargeysa si dhow ula shaqeeyey, kana qaybgeli jiray kulamada toddobaadlaha ah ee lagu gorfeeyo guud ahaan shaqada iyo waajibaadka u yaalla, waxa ay i bareen in ay tahay goob iyadu nafteeda dulimada, reer Hargeysana dulmi ku hayaan.
Hargeysa waa magaalo noqotay caasimad aanay bilowgeedii hore u diyaarsanayn, markii dambana wehel u noqotay maamul xumo, qorshe la’aan badan iyo dib dhac. Waxaa ka jira culays dhinaca dadka ah iyo ballaadhasho xawaare sare ku socda oo hay’adaha dawladda ee xakamaynayaa ay u baahan yihiin aqoon, dhaqaale iyo tamar ay kula jaanqaadaan. Dhinaca kalana waa magaalo saboolnimadu ku badan tahay oo bulshada aanay cashuur wada heli karin. Dhaqankii dawladdii askarta ee colaadda dhex dhigay dadka iyo dawladnimada ayaa isna kaga tegey caado ah in dadku cashuruta u yaqaannaan baad. Taasina waxa ay sababtay in bulshada intii cashuurta bixin karaysay ay intii awooddooda ah ka warwareegaan. Waxa aan goob joog u ahaa iyada oo dawladda hoose isku bogaadinaysa in cashuurihii sannadka ay boqolkiiba 41 heshay.
Waa ay ii muuqataa in aad hoggaaminta hibo iyo hanba u leedahay, laakiin hadda kaddib ayaa ay caddaan doontaa in aad u diyaarsan tahay wax ka qabashada arrimahaas, iyo in aad u bisishahay loollanka iyo dagaalka siyaasiga ah ee maalinta koowaad ee shaqadaadaba kaaga furmi doona gudaha xafiiskaaga iyo illaa wiilka shaqada ugu hoosaysa ka haya dawladda hoose.
Marka aad dibadda ka joogtay waxaa aad ku qanacsanayd in aad tahay, masuul cod kii yaabka lahaa ee lagu soo doortay ka dhigan kara gudin uu ku jaro jirridaha maamul xumada iyo musuqa. Waa sida ay ku fiicnaan lahayd, laakiin marka aad giraanta dhexdeexa istaagto waxa aad arki doontaa kala duwanaashiyaha waxa aad maskaxda ku haysya iyo runta hortaada taalla.
Shaqaale mid kastaa isa siiyey xilka uu hayo naftiisana u sheegay runta ah, in ugu yaraan 30 sano uu Maayer kastaa ugu yimaaddo kagana tago, sidaas awgeed waxa aad yeeli kartaaba kooban yahay. Waxaa adiga kuu dheeraan doona dagaal siyaasadeed kaaga imanaya xukuumadda aanad xisbigeeda ka soo bixin oo dabcan cabsida laga qabo rayulcaamku ay tahay sababta keliya ee aanay Hargeysa u marin jidka ay mareen magaalooyin kale.
Ololahaagii waxaa iga muuqatay in aad filashada dadka aad u buunbuunisay, taasi in kasta oo ay qayb ka ahayd sababaha guushaada, haddana ku darso xisaabta in ay qayb ka noqon karto sababaha dhicitaankaaga. Qanaca degdegga ah ee dadka lagu yaqaanno waxaa ka faa’iidaysan doona cidda kaa soo horjeedda waana waxa afka siyaasadda liidataa u taqaanno ‘Hebel Fashilinta’.
Ha is odhan dood iyo xujo wanaag daacadnimo kaa ah ayaa aad ku heli doontaa cid ku dhegeysata, waa sida macquulka ahaan lahayd, laakiin ma dhacdo. Waxa aad arki doontaa dad aan mar keliya ka daali doonin dhalleecayntaada, waxa se aad ogaataa in dhibta ugu weyni aanay ahayn ‘Farriinta aad gudbinayso’ ee ay tahay cidda aad u dhiibayso. Ku dadaal in aad si xikmadaysan u xulato cidda ku hareera joogaysa iyo hawlwadeennada kugu dhow. Waa in ay noqdaan dhambaal wadeyaal dadkaaga u sheegi kara in aad tahay qofkii aad sheeganaysay, waa in ay noqdaan dad awood u leh in ay hoos si tartiib ah ugu soo dejiyaan filashadii aad abuurtay, markalana rayulcaamka u jeediyaan in xaqiiqada idin hortaalla, haddii kale iyaga ayuun baa ah cidda bulshada idin kala fogeyn doonta.
Qaladka ugu weynina waxa uu noqon doonaa haddii weerarrada, dhalleecaynta joogtada ah iyo naanaysaha ku raaci doona, aad u qaadato kuwo shakhsi ah. Waa dabeecadda dawladda hoose, oo qof kasta xanjo meel ugu dhegsan ayaa uu doonayaa in aanad kaga istaagin isaga oo aan haddana mar keliya kuu sheegin. Waxa ugu dambeeya ee ay kaa rabaanna waa in aad sidooda noqoto.
Sida uu xeerku dhigayo xubinta Golaha deegaanka isu sharraxaysaa waa in ay hanti ama ganacsi ku leedahay degmada ay iska sharraxayso, sida oo kale xubinta golaha deegaanka mushahar kuma laha dawladda hoose. Nasiibdarro xubnaha isa soo sharraxay shardiga hantida lama soo marin. lacago aad u badan ayaana kaga baxay ololihii adkaa ee doorashada. Dhinaca kalana waa rag in badan oo ka mid ahi han maayernimo leedahay, arrimahaas haddii aanad si xikmadaysan u maaraynna waa kuu muran iyo dagaal joogto ah.
Caqabadaha aan kuu soo tiriyey ma’aha kuwo aad dagaal keliya kaga dabbaalan karto, isbeddelkuna waa geeddi socod ee ma’aha natiijo habeen iyo dharaar dhexdooda dhalata. Suurtogal ma’aha in aad dawladda hoose guul ka gaadho, haddii aad mar kasta u muuqato in aad xaqirayso xeer qarqooshka iyo hab-dhaqanka gurracan ee lagu ababiyey. Adiga oo hal ujeedo oo aasaasiya leh ogolow in ay tobannaan gef oo yaryari muddo iska sii socdaan. Ha u jawaabin dareenka shaaraca ee hoos ula soco runta kugu hareeraysan.
Dawladda hoose waxa aad ugu tegi waayoarag daacad ah oo kaallintoodii banneeyey markii muddo dheer cidi warkooda dhegeysan weyday iyo kuwo hagardaamo iyo hunguri u jooga oo habeen iyo dharaar war iyo talo hagaraamo ah kula hareer orda. Hoggaamiyaha waxa ugu badan ee dilaa waa dhego xidhnaanta iyo in uu dadka xogogaalka ah iska fogeeyo. Dawladda hooseana waa lagaaga aqoon iyo waayoaragnimo badan yahay. Sidaas awgeed ku dadaal in aad kala barato marka ay tahay in aad ku dheggenaato aragtidaada iyo go’aanka aad gaadho iyo marka ay tahay in aad dadka dhegeysato, laakiin intaas ka hor baro kuwa ay tahay in aad dhegeyato.’
Waxaa ku hor iman doonta talada ah in jidka keliya ee kuu furani uu yahay dagaallan ama is dhiib. Anigu se waxa aan qabaa in labadaas oo aad isku dartaa ay tahay jidka ugu habboon ee aad ku socon karto, ‘Isdhiib, hubkana ha dhigin’.
‘Siyaasadda iyo xilalka siyaasiga ahi waa jid laba farraar leh oo masaafad isku mid ah ku gaadha samaanta iyo xumaanta, kuwo badan oo qayrkaa ahi horumar iyo hoggaamin qaran ayaa ay ku gaadheen, in kale oo badanina sumcad darro iyo ceeb bay cidla ugu baxeen. Adiga ayaa ay kuu taallaa midka aad dooranayso, guul baanan kuu rajaynayaa.