Dawladda Somaliya Oo Dacwad Ka Dhan Ah Dalka Kenya U Gudbisay Maxkamada The Hague

0
563

Picture5Dawlada Soomaliya ayaa shalay si rasmi ah waxay dacwad uga gudbisay  dalka Kenya oo ay ku eedeysay in ay si sharci darro ah ugu qabsatay baddeeda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliya ayaa shalay Axmed Cali Daahir  oo ay weheliyaan garyaqaano ajanebi ahi ayaa shalay maxkamadda caalamiga ah ee the Hague u gudbiyay dacwadda ka dhanka ah Kenya.

Murankan waxa uu salka ku hayaa lahaanshaha qaybo kamid ah soohdinta xadka badda laabda dal, oo badhitaano lagu sameeyey la sheegay in laga helay khayraad dabiici ah.

Dacwaddani  waxa ay imanysaa maalamo kadib markii ay Kenya sheegtay in ay Muqdisho ka heshay balanqaad ah in muranka badda wada hadal lagu xallin doono.

Sharciyaqaano iyo xubno matalaya dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Cali Daahir ayaa maalmahan ku sugnaa  magaalada the Hague, kuwaas oo si rasmi ah shalay u gudbiyay dacwadooda. .

Axmed Cali Daahir oo u warramaya BBC-da ayaa sheegy in dacwadda laga fursan waayay maxkamadda kaddib markii isfahanka ay Kenya doonayso noqday mid aan waafaqsanayn danta Soomaaliya.