Somaliland:  Dawladda Oo Mastaafurinaysa Dadka Ajaanibka Ah Ee Ku Nool Gobolka Sanaag

0
453

Ceerigaabo (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in dadka aan u dhalan Somaliland ee ku nool Gobolka Sanaag ay kaga saarayso muddo dhan 14 Maalmood gudahood ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Sanaag, ahna sii haya xilka Badhasaabka Gobolkaasi Maxamed Khaliif Nuur oo Axadda Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Ceerigaabo, ayaa ku dhawaaqay in Dawladda Somaliland go’aamisay in Gobolka Sanaag laga mastaafuriyo dadka aan u dhalan Somaliland, sidaasi darteedna ay Maamul ahaan ku Wargelinayaan dadka aan Somaliland u dhalan ee ku nool Sanaag, sida Ganacsatadu ay ku diyaar-garoobaan muddo dhan 14 Maalmood, wixii ka dambeeya 24-ka bishan October-na ay Dawladdu gacanteeda ku mastaafurin doonto.

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Sanaag wuxuu sheegay in arrintani aanay ku koobnayn cid gaar ah, balse ay khusayso dhammaan dadka aan u dhalan Somaliland, markaana loo baahan yahay inay dadka ajaanibka ahi ku diyaar-garoobaan muddadaa loo qabtay ee 14-ka Maalmood ah.

Dawladda Somaliland, ayaa hore Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool uga mastaafurisay dad u dhashay dalka Soomaaliya oo muddo dheer ku noolaa Laascaanood, kuwaasi oo qaarkood meherado ganacsi ku lahaa halkaasi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office