Dawladda Oo Burco Ku Xidhay Laba Nin Oo Eeddo U Jeediyay Qalbi-Dhagax Oo Hargeysa Lagu Casuumay

51
4321

Hargeysa(Geeska)- Laba nin oo warbaahinta kula hadlay magaalada Burco eedamayna u jeediyay Cabdikariin Qalbidhagax oo ku tilmaamay inuu amray gaadiidkii tirada badanaa ee ONLF ay ka gubtay dadka reer Somaliland ayaa ciidanka boolisku ku xidheen magaalada Burco.

Cabdikariin Qalbidhagax oo lagu soo dhaweeyay Hargeysa oo isaguna BBC laanteeeda Afka Soomaaligu ay wax ka waydiisay gaadiidka la sheegay inuu amray gubitaankooda waxa uu sheegay in aan ururkoodu qaadan go’aan gaadiid lagu gubaayo se ay jiraan iskudhacyo dhanka shacabka ah, isaga oo u jawaabaya labadan qof ee hadlay kuwaas oo mid kood gaadhi jabhada ONLF ay uga gubtay.

Ugu horayntii Faarax Xuseen ayaa sheegay in gaadhi uu lahaa ay ka gubeen jabhada ONLF isaga oo u waramayay telifisahnka Saab, waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Gaadhigaygii Candhamaydlaha ahaa ee aan shaqaystay ee saddex dal aan isugu maray Ciraaq, Kuwayt iyo Qatar oo wax hanti ah aan gaadhigaas kala imi, markuu doorkii ugu horeeyay baxay meesha garabo la yidhaahdo ayuu ku gubay  Qalbidhagax iyo ciidankiisu.”

Hase yeeshe Cabdikariin Qalbidhagax oo arintan uu waydiiyay wariyaha BBC  Axmed Siciid Cige waxa uu yidhi“Arintaas xili horena waan maqli jiray, inkasta oo aanan goob joog ahayn amarna aanan ka bixin oo sabab aan amar uga bixiyo iyo qorshe urur qaato toona ma’ahayn, waxay ahayd uun mushkilado labada dhinac ka dhashay dadkii shacbiga ahaa ee deegaanka, wax badan oo dhibaatoyin ah way dhacayeen inuu soo dhex galaayayna waa laga yaabaa laakiin qorshe urur muu ahayn, Haddii ONLF ay dadka Somaliland colaad u qabto baabuurka dadka saaran ayay qaban lahayd oo ay xidhi lahayd xukumi lahayd, may ahayn colaad qorshaysan, aniga iyo masuul kale toona amar kamaanu bixin go’aan iyo talo jabhadeed midna may ahayn,laakiin waxay ahayd qaladaad dhacaayay aniguna amar kamaan bixin, madaxda kale ee ururkuna amar kamay bixin talo iyo go’aana may ahayn.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here