Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga JSL Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalmiga ah Dr. Sacad Ali Shire iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL ayaa furay shir balaadhan oo lagaga arrinsanayo Maagashiga JSL, shirkan ayaa waxa ay dawladda Somaliland ku qabatay Dalka Germany magaalada Berlin .
Shirakan ayaa waxa kasoo qayb galay 26 shirkadood oo caalamiya kuwaas oo daneynayay inay maalgashadaan dalka JSL.
Shirkan ayaa waxa sidoo kale kasoo qayb galay xubno kamida ganacstada JSL oo iyaguna wehelinayay waftiga ay hogaaminayeen Wasiirada Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda JSL .
Intii uu shirkani socday ayaa waxa lagu soo bandhigay dhamaan khayraadka ku duugan dalka Somaliland .
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalashiga JSL Mudane. Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo khud bad dheer kajeediyay goobta ayaa waxa uu si balaadhan uga hadlay fursadaha dalka kajira , isaga oo ku dhiirri galiyay maalgashadayaasha shisheeye sidiii ay u maalgashan lahaayeen dalka ugana faa’iideysan lahaayeen fursadaha ay dawladda JSL u diyaarisay
maalgashadayaasha caalmaiga ah .
Qaar kamida Maalgashadayaasha ayaa iyaguna dhinacooda hadallo kala duwan ka jeediyay, iyaga oo si balaadhan ugu mabsuuday sida wanaagsan ay dawladdu ugu suurta galisay in maalgashadayaaal ajanabi ah ay dalka maalgaliyaan, waxayna dhankooda ballanqaadeen inay imanayaan dalka JSL , si ay u indha indheeyaan fursadahaas badan ee uu Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL uu soo bandhigay.
Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee noocisa ahee dawladda JSL ku qabato dalka dibadiisa kaas oo si heer caalamiya loo soo buux dhaafiyay.
Dhanka kale Waftiga uu hogaaminayay Wasiirka Ganaciga iyo Maalgahiga JSL ayaa kulan balaadhan layeeshay Qurba joogta ku dhaqan dalka Germany, halkaas oo uu waftigu kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha ka jira dalka.
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL waxa lafilayaa sidoo kale in uu maalmahan inagu soo aadan safar iskugu maro dhamaan dalalka la isku yidhaahdo Scandinavians ka halkaas oo u la shiri doono qurbajoogta ku dhaqan dalalkan isaga oo kala hadli doona arrimaha laxidhiidha gurmadka abaaraha kajira dalka.
Tan iyo intii madaxweynaha JSL uu u magcaabay Dr. Cumar Shucayb Maxamed Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL ayaa isbadal wayn oo horumarineed ku tallaabsatay , iyada oo laga daremayo dhaqdhaqaaqa howlaha ganacsi iyo maalgashi ee dalka kajira.
Wasiirka Ganacsiga JSL Dr. Cumar Shucayb Maxamed ayaa u muuqda sidoo kale inuu xoogga saaray sidii uu horumarin lahaa shuruucda Ganacsiga laxidhiidha ee ay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL ay mas’uulka katahay , kuwaas oo ay Wasiiradii hore ku guuleysan waayeen.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL ayaa in badan lagu xaman jiray inay tahay fadhiid, balse waxa lafilayaa dardar galinta Wasiir Cumar Shucayb inay wax badan ku soo kordhin doonto, tallaabooyinka horumarineed ee dhaqaalaha dalka.