Dawladda Oo Mar Kale Xidhay Yuusuf Cabdi Gabobe

0
679

Picture7Hargeysa (Geeska)-Ciidamada Booliska ayaa  Xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe, kaas oo la sheegay inuu tagay maxkamadda gobalka Hargeysa.

Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa dhawaan Damiin ahaan looga soo dayay Xabsiga Magaaladda Gabiley, balse Tifafatiraha Wargeyska Axmed Cali Cigge iyo Guddoomiyaha ayaa mar ay Warbaahinta la hadleen laba Todobaad ka hor waxay sheegeen in Dacwadda loo haysto aanay ka qayb-galayn ilaa ay helaan Maxkamadda Cadaaladda ah iyo in Dacwadoodda loo maro Xeerka Saxaafadda.

Wargeyska Haatuf ayaa ilaa hadda Xayiran, kaas oo baahiyay warar uu ku sheegay in Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale uu muddadii uu xilka hayay uu ku kacay fadeexaddo Musuq-maasuq iyo weliba Wiil Madaxweyne Siilaanyo Sodog u yahay oo lagu magacaabo Baashe Cawil Xaaji Cumar, kaas oo wararka uu Wargeysku baahiyay uu ku sheegay inuu leeyahay awood aanu Dastuurka Dalka siinin.

Dhinaca kale Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay xadhigii Guddoomiyihii Wargeysa Haatuf mar kale Shalay xukuumadda Somaliland Xabsiga u taxaabtay.

War-saxaafadeed ay soo saartay SOLJA ayay ku cambaareeyeen xadhigaas oo uu ku tilmaamay mid ay xukuumada Somaliland ku cabudhinayso xoriyatul qawlka.

War-saxaafadeedkan oo uu soo saaray xoghayaha guud Maxamed-rashid Muxumed Faarax,  ayaana u dhignaa sidan “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cambaaraynayaa falka anshax xumada ah ee markii-labaad uu kula kacay garsoore Asad Nuur Cilmi  Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yusuf Cabdi Gaboobe. Oo 6/14/14 abaaro 11:40 barqonimo xabsiga ugu taxaabay gudoomiyaha wargeyska haatuf oo ku sugan xarunta maxakamada gobolka maroodi-jeex isagoo ay gudoomiyaha maxkamada gobolka maroodi-jeex Faysal dhagodhago u-lasocday in laga badalo garsoorihii ay hore u dureen iyo in la mudeeyo dacwadii wargeyska iyo masuuliyinta haatuf hore loogu haystay taasi oo uu gudoomiye faysal uu hore uga ogalaaday.

Intaa ka dib guddoomiye Gaboobe oo ay wehelinayaan xog-hayaha ururka SOLJA iyo laba xubnood oo kale ayaa waxa dhacay in garsoore ASAD uu ku amaray in ay qabtaan askarta Maxkamada Gobollka una dalbaday gaadhigii maxaabiista qaadayay .markii uu xog-hayaha SOLJA uu waydiiyay Sobobta uu marlabaad u xidhayo wuxuu ku jawaabay in xubno wasiiro ah iyo madaxtoyada iyo xeer-ilaalituba ay culays kusaareen in uu si dhakhso ah usoo xidho.

Hadaba ururka SOLJA wuxuu cod-dheer ku cambaaraynayaa falalka noocana ee loogu cagajuglayanyo xoriyatal qowlkii ee laguna wiiqayo kalsoonidii umadu ku qabtay maxkamada iyo sharaftii cadaalada dalka waxa aanu ugu baaqaynaa madaxweynaha Somaliland in uu si dagdaga usii daayo gudoomiyaha wargeyska haatuf iyo labada xarumeed ee wargeysyada haatuf iyo hubaal .”