Xukumada Somaliland Oo U Jawaabtay Madaxweynaha Puntland

0
533

Picture6Hargeysa (Geeska)- Xukuumadda  Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay hadal colaadeed iyo dagaal uu  ku baaqay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntand Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo sheegay in uu dagaal kala hor tegi doono ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan magaalada Taleex.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Cadami oo u waramay Gudgudenews.com,ayaa sheegay in Somaliland aanay cidna duulaan ku ahayn isla markaana ay waajib ku tahay in ay sugto xuduudaheeda taas oo uu tilmaamay in ay tahay mid daruri ah oo ah xilka ay ciidanka Qaranku u hayaan dalkooda iyo dadkooda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaa jirta wax cad oo cid waliba ogtahay oo ah in dal kastaa uu  leeyahay xuduudo iyo soohdimo u gaar ah oo uu dalalka dariska la wadaago,xuduudahaana wuxuu waajibaadka Qaran dhigayaa in la sugo oo ay nabad ahaadaan isla markaana dadka ku dhaqani ay ammaan helaan ,sidaa darteed Ciidanka Qaranku iyagoo waajibaadkooda Qaran gudanaya ayay si nabad ah ku tageen degmada Taleex wax dhib ahina kamay dhicin,”. Wasiirka Gaashaandhiga oo ka jawaabaya hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Puntland ayaa  yidhi “Markaa ninka Garoowe ka hanjabaya waxaan odhan lahaa oo kaliya halkaad joogto ayaa nabad kaaga baahan,Gaalkacyo oo gubanaysa waxay kuugu muuqan weyday ee aad Somaliland u adyadaynayso malaha waa indha la’aan”.

Waxaa kale Wasiirka Gaashaan-dhiga   ka hadlay sida ay Ciidanka  Qaranku ugu diyaar yihiin sugida iyo difaaca xuduudaha Somaliland, waxaanu yidhi  “Anigu odhan maayo Garoowe ayaanu ku duulaynaa laakiin waxaan kuu sheegayaa waxaan diyaar u nahay in dalkayaga iyo dadkayagaba aanu ammaankiisa sugno oo aanu ka difaacno cid kasta oo cadaw ku ah oo weerar gar darro kaga yimaaddo,waxaan og nahay in hore ay xasuuq uga geysteen magaalada Taleex,  laakiin ha ku bushaaraystaan in aan mar dambe Somaliland Maamulka Garoowe isugu iman doonin gudaha Somaliland laakiin waxaan ku wada hadli doonnaa haddii uu nabadda diido halka uu ka taliyo.”

Wasiirku  waxaa kale oo uu sheegay in Somaliland wefti balaadhan oo  wada mashaariic horumarineed in ay u dirayso degmada Taleex isla markaana laga bilaabi doono wax qabad dhanka arrimaha bulshda ah oo kala duwan, waxaanu yidhi  “Waxaa noo qorshaysan in dhakhso uu degmada Taleex iyo deegaannada hoos yimaadaba in uu gaadho Wefti balaadhan oo ka socda Xukuumadda oo wada ama sida mashaariic horumarineed oo ah dhanka arrimaha bulshada isla markaana kor loogu soo qaadayo nolosha dadka deegaanka oo dib u dhac badani soo gaadhay taasoo la doonayo in la soo gaadhsiiyo halka ay Somaliland maanta marayso,”.