Dawladda Maraykanka Oo Garoomada Diyaaradaha Ee Somaliland Iyo Jabuuti U Adeegsanaya Diyaaradaha Soo Daad-guraynaya Muwaadiniintooda Ku Xayiran Suudaan Oo Dagaal Ka Socdo

0
837

Jabuuti (Geeska) – Warbaahinta Maraykanka, ayaa kala saaray Khariiradaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Telefiishannada ABC iyo CB News, ayaa si rasmiya War-bixinnada ku saabsan Dalalka Geeska Afrika waxay u adeegsadaan Khariirad si cad u kala muujinaysa Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, taasi oo muujinaysa siyaaasadda Arrimaha Dibedda ee Dawladda Maraykanka.

Telefiishanadan iyo Warbaahinta kale ee Maraykanka oo War-bixino ka sameeyay Hawl-galka uu Maraykanku Dalka Suudaan kaga soo Daad-guraynayo Muwaadiniintiisa, ayaa soo tebiyey Muuqaalka Diyaaradaha Quumaatiga u kaca oo ka kacaya Garoommada Diyaaradaha ee Jabuuti, isla-markaana ku degaya Duleedka Safaaradda Maraykanka ee Khartuum, halkaasi oo ay ka qaadayaan Muwaadiniinta Maraykanka ee uu dagaalka Khartuum Xayiray.

Dagaalka Suudaan, ayaa ka sii daraya Maalinba Maalinta ka dambaysa, waxaana Saddexdii Toddobaad u dambeeyay lagu guul-darraystay dhammaan Dedaalladii nabadeed ee Maraykanka iyo Dunida kale ku doonayeen in heshiis nabadeed lagu dhex dhigayo labada Generaal ee kala hoggaaminaya labada Ciidanka ee Qadhaadhka ka dhex socdo. Kuwaasi oo mid walba dhankiisa ka sheegayo inuu guulo ka gaadhay dagaalka, inkasta oo ay cadday in aanay jirin Cid guul gaadhay, balse uu dagaalku sababay dhimashada in ka badan 1000 Qof, dhaawacmeenba ku dhawaad 500, halka ay barakaceen Kumanaan kale.

Dagaalkan oo aan lahayn Calaamad sheegaysa inuu muddo dhow istaagi doono, ayaa sababtay in heegan buuxa la geliyo Taliska Ciidammada Maraykanka ee Africom, gaar ahaan Ciidammada ku sugan Saldhigooda Dalka Jabuuti, kuwaasi oo xilligan ku mashquulsan Daad-gureynta Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Suudaan, haddiise u uu dagaalku ka sii daro waxay isku diyaarinayaan inay Adeegsadaan Garoonka diyaaradaha Berbera, si ay gacan uga geystaan soo Daad-guraynta Muwaadiniinta Dalalka reer Galbeedka ee Suudaan ku xaniban, maaddaama aan dalalkaas wax Ciidamo ahi ka joogin Geeska Afrika.

Wararka kale ee Warbaahinta Arabsiyo News soo gaadhaya Gobolka Saaxil, ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqa diyaaradaha Maraykanka laga dareemayo Garoonka Diyaaradaha ee Berbera.

Dawladaha Maraykanka iyo Somaliland ayaa leh iskaashi dhinaca Amniga iyo Ciidamada ah, ka dib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanku ansixiyeen Xeerka Iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland.

Geeska.net/Hargeisa Office