Dawladda Kenya Oo Soo Magacowday Wakiillada Xafiiskeeda Hargeysa Oo La Furayo & Aragtida Warbaahinta Dalkaasi Ee Arrintan

0
676

Nairobi (Geeska) – Dawladda Kenya, ayaa soo Magacowday Wakiilkeeda Somaliland, Ku-xigeenkiisa iyo Xubin kale oo ka mid noqonaya Hawl-wadeennada Xafiiska Kenya ee Magaalada Hargeysa.

Qoraal kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Kenya, ayaa lagu sheegay magacyada 4 masuul oo ay dowlada Kenya u magacowday xafiiska

dibulumaasiyadeed ee ay ka furanayso caasimadda Somaliland ee Hargaysa, kaasi oo ay hore ugu heshiiyeen Madaxweyneyaasha Kenya iyo Somaliland.

Qoraalka magacaabista ah oo ay  Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya 2d-dii bishan u dirtay xafiiska Somaliland ee Kenya, ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay Benson M. Mwaliko u macowday wakiilkeeda Hargeysa, halka Charles K. Whaichari loo magacaabay wakiil ku-xigeen,  sidoo kale Grace N. Musau iyo Ronald O. Yakweba loo magacaabay masuuliyiinta maamul oo ka howlgali doona xafiiska.

Wakiilka xilka ka sii dagaya ee Somaliland u jooga magaalada Nairobi Baashe Cawil Cumar, ayaa qoraal uu ku qoray bogagiisa Twitterka iyo Facebook ku sheegay “in uu aad ugu faraxsanyahay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ay u xaqiijisay in dowladda Kenya ay si rasmi ah u furanayso xafiiskeeda dibulumaasiyadeed ee Hargaysa”.
Xukuumadaha Somaliland iyo Kenya ayaa la rejaynaya inay si wada jir ah maalmaha soo socda ugu dhawaaqaan furista xafiiska Kenya ee Hargaysa, isla-markaana si rasmi ah xadhiga looga jaro, Xafiiskaasi oo Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, imikana ah Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Liibaan Yuusuf Cismaan uu hore u sheegay in la dhamaystiray.

Dhinaca kale, Warbaahinta dalka Kenya, ayaa si weyn wax uga qoray Xafiiska Kenya  ka furanayso Somaliland iyo Magacaabista Xubnaha ka hawl-geli doona.

Wargeyska The East African oo ka mid ah Warbaahinta ka soo baxa dalka Kenya oo arrintan wax ka qoray ayaa sheegay in Kenya tahay Waddamada Bariga Afrika ee xidhiidhka adag la yeeshay Somaliland oo aan beesha Caalamka ka haysan Aqoonsi buuxa “Kenya waxay ka mid tahay waddamada faro ku tiriska ah ee mandaqadda ee xidhiidh adag la yeeshay Somaliland oo aan Haysan Aqoonsiga Beesha Caalamka.” Ayuu qoray, waxaanu intaa ku daray in Tallaabada Kenya ay Xafiiska kaga furatay Hargeysa uu abuuri karo khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, maaddaama buu yidhi Muqdisho aanay Raalli ka ahayn in Kenya iyo Ama Cid kale xidhiidh la samaysato Somaliland oo ay aamisan tahay inay Dhulkeeda ka mid tahay “Tallaabadan ugu dambaysa waxay abuuri kartaa khilaaf diblomaasiyadeed oo cusub oo u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, maxaa yeelay Muqdisho waxay ku adkaysanaysaa in Somaliland ay ka mid tahay dhulkeeda”

Sidoo kale, Warbaahin badan oo ka mid ah kuwa Kenya ayaa si aad ah uga Faallooday Arrintan.

Ugu dambayn, Heshiis bishii December ee sanadkii hore magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxwayneyaasha Kenya iyo Somaliland ayaa lagu qorsheeyay in Kenya xafiiskeeda Hargaysa furato marka la gaadho bisha March ee sanadka 2021, laakiin muddo badan buu dib u dhacay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office