Wax badan ka ogow dalka Guinea Conakry ee inqilaabku ka dhacay

0
713

Guinea Conakry waxaa mararka qaar loogu yeeraa Guinea Conakry si ay uga soocdo deriskeeda Guinea-Bissau iyo Jamhuuriyadda Equatorial Guinea.Waagii hore, Guinea Conakry waxay ka mid ahayd Boqortooyadii Islaamiga ahayd ee Gaana, oo la dhisay qarnigii kow iyo tobnaad ee tariikhda Miilaadiga.Sanadkii 1849 ayey noqtay maxmiyad Faransiis hoos tagta, balse sanadkii 1904 ayuu Faransiisku ku dhawaaqay inay qayb ka tahay dhulka uu gumeystihii ee Galbeedka Afrika, bishi oktoobar 2, 1958, Waxay xornimadeeda ka qaadatay dalka Faransiiska halgan dheer ka dib, kaas oo uu hogaminayey halyeygii wayna ee Axmed Sekou Toure isaga ayana xukunka u qabtay 2dii bishii oktoobar sanadka 1958kii ilaa 26kii bishii Maarso 1984kii, isla maalinta bishii Maarso 26, 1984 ayuu Axmed Sekou Toure ku geeriyooday dalka maraykanka qaliin lagu sameeyay oo guul daraystay, ka dibna Raiisel wasaare Loi Lansana Biavogi ayaa xilka madaxweynenimo si ku meel gaar ah u qabtay muddo 8 maalmood ah. Ka dibna 3, bishii Abriil sanadkii 1984 ayuu Lansana Conte ayuu hoggaamiyey afgambi millatari kaas oo lagu afgembiyay dowladdii Lansana Biavogi, Wuxuuna ku dhawaaqay laalista dastuurki dalka sidoo kalena wuxu kala diray Baarlamaanki kuna beddelay Gole Militari oo uu ku magacabay Badbaadinta Qaranka oo uu madax u yahay Conte, bishii apriil 5, 1984 ayuu Conte wuxuu ku dhawaaqay in uu ahay Madaxweynaha rasmiga ah ee dalka, bishii July 4, 1985 Raiisul Wasaare hore Diarra Traore oo marka aha jeneraal ka tirsan ciidanka qeyb wayn ka qaatay afgambigii u sameyey saxiibki Conte markana laga dhigay ra’iisul wasaaraha dalka muddo kooban ka dibna laga qaaday, hadaba ninka ayaa isku dayay afgambi waqti uu Conte ku sugnaa Blome caasimadda dalka Togo oo uu shir uga socday Ururka Dhaqaalaha ee Dawladaha Galbeedka Afrika uga qayb galay, Xoogagga ciidankii daacadda u aha Conte ayaa awooday inay si fudud gacanta ugu soo dhigaan Diarra Traore iyo 100 qof oo milaterigii inqilaabka aha halkaa ayana la dilay Traore iyo dhamaan ciidankii ku lugta laha afgambigii dhicisoobay, bishi December 23, 2008: Conte ayaa geeriyooday ka dib mudo uu la halgamay xanuun soo wajahay, Saacado yar ka dib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay geerida Conte, kabtan ciidan oo lagu magacaabo Moussa Dadis Camara ayaa idaacadda dowladda ee magalada Conakry kaga dhawaaqay kala diridda dowladdi iyo laalista dastuurka iyo joojinta dhamaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka.Isaga oo sameyey gole uu ku magacabay “Golaha Qaranka ee Horumarinta iyo Dimuqraadiyadda” oo ay qayb ka yihiin milateri dalka iyo bulshada rayidka ahiba kuwaas oo maamuli doona dalka, Mr Camara wuxuu dadka u xaqiijiyay in ay hoggaamiyeyaasha milaterigu aysan ku talo jirin inay xukunka sii hayaan wax ka badan laba sano oo ay raban in ay dalka gaadhsiyaan doorashada madaxnimo oo hufan lana qaban doono dhammaadka sanadka 2010. December 24, 2008 aya waxay u doorteen Captain Moussa Dadis Camara in uu noqdo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka isaga oo rasal wasaraha dalkana u magacabay Kabini Kumara oo ka socday dhanka bulshada rayidka ahayd.Camara wuxuu ka shaqeeyay dib -u -habaynta nidaamka dhaqaalaha ee dalka iyo in caddaaladda la horkeeno kuwa ku lugta leh musuqmaasuqi dalka ka dhacayey.

Xasuuqii September 2009

September 28, 2009. Ciidamada ammaanka ayaa dilay in ka badan 150 qof oo isugu soo baxay mudaaharaad looga soo horjeedo dowlad oo ka dhacay caasimadda Conakry waxana ay gaysteen gabood falo badan.

Dalka guinea conakry ayaa marka qarka u saarmay dagaal sokeeye oo lagu hoobto toddobaadyo ka dib dhacdadaas, waxaa dhaawac soo gaaray madaxa taliskii milateriga ee talada hayay Moussa Dadis Camara ka dib markii mid taliye ahi uu isku dayey in toogto isku daygiina waa ka fashilmay. Diseembar 3, 2009: Skoba Konate oo reer galbeedku taageero ayaa la wareegay awoodda dalka guinea conakry wuxuuna ballanqaaday inuu awoodda ku celin doono bulshada rayidka ah.Diseembar 21, 2010. ayuu Madaxweyne Alpha Conde yimid xukunka kadib markii ugu horreysay ee doorasho xisbiyada badan ahi dalka ka dhacdo taas uu ku guulaystay Alpha Conde.

Isku day dil ee Alpha Conde & qilaab military.

July 19, 2011. Conde waxaa loo gaystay isku day dil oo ay fuliyeen milatarigu kuwaas oo u bartay afgembiga guinea conakry. Ka dib waxay ciidanku soo xireen daraasiin ka tirsan milatariga oo ay ku jiraan taliyayaal sare oo ku dhow madaxii taliskii hore ee ku meel -gaarka ahaa, General Scuba Konate, iyo madaxii hore ee golaha militariga, Musa Camara qilaab military wuu fashilmay waqtiga. Sebtember 6, 2021 xalay ayey Ciidamada Gaarka ah ayaa xiray Madaxweyne Alpha Conde waxayna kala direen hay’adihii dowliga ahaa, halka ay Wasaaradda Difaaca ay iyana xaqiijisay in ay iska caabinaan weerar xalay ee ay Ciidamada Gaarka ah ku soo qaadeen madaxwaynaha. Balse Taliyaha Ciidamada Gaarka ah ee Guinea Conakry Korneyl Mamady Domboya ayaa isna ku dhawaaqay clip ku faafay baraha bulshada in xilkiba laga qaaday Madaxweyne Alpha Conde,Domboya ayaa ku yiri bayaan uu u diray muwaadiniinta dalka “Waxaan go’aansannay inaan kala dirno hay’adaha iyo dowladda oo aan xirno xuduudaha dhulka iyo circa”. waxay baahiyeen muuqaal ah Madaxweyne Conde la xiray oo ku fadhiistay kursi kuna labisnaa jiinis iyo funaanad diiday inuu ka jawaabo markii la weydiiyey in si xun loola dhaqmay iyo in kale.

Dal guinea conakry juqraafi & bulsho ahan waa noocma

Magaca rasmiga ah ee dalku : Guinea Conakry
caasimaduna: waa Conakry
Nidaamka siyaasadeed ee dalku: waa jamhuuri
Lacagta dalku waa: Guinean franc

Goobtu dhaco: Waxay ku taal xeebta galbeed ee Afrika, dhanka koonfureedna waxaa xuduud kala leh Jamhuuriyadda Liberia iyo Sierra Leone, dhanka waqooyi waxaa ka xiga Jamhuuriyadda Senegal iyo qeyb ka mid ah Guinea-Bissau, dhanka bari waxaa ka xiga Jamhuuriyadda Mali iyo Ivory Coast.
Badka dalka waa: 245.857 kiiloomitir oo laba jibbaaran
Khayraadka dabiiciga ah ee dalku waa: macdanta birta, kalluunka, yuraaniyamka, dheemanka, dahabka.
Cimilada dalku waa: kulayl
Tirada Dadweynaha dalkaasi waa : 13,026,502 qof (qiyaasti la sameyey sanadkii 2018 )
Qaybinta Qowmiyadaha dalka degana: waxay yihiin 24 qowmiyadood, kuwa ugu caansan waa Fula waxayna ka kooban yihiin 43%, Mandinka 35%, Susu 20%inta kalena waa qowmiyado yaryar.
Diinta dalka waa sidan: 85% Muslim, 8% Masiixi, 7% caqiidada dadka asaliga aha.
Luqadaha dalka: Faransiisku waa luqadda rasmiga ah, laakiin dadka badankiisu waxay ku hadlaan mid ka mid ah afafka Afrika kuwaas oo ah Fulani, Ngo, Soso ama Soso, Toma, Kissi.
Dhamaad

Waxa qoray: samaale Mohamed
Contact: samalemo111@gmail.com