Musharraxa Madaxweynaha WADDANI Oo Meesha Ka Saaray Inuu Cid gaar Ah Ku Wareejinayo Guddoomiye-nimada Xisbiga

0
583

Su’aalaha ku Gedaaman Musharraxnimada Cusub Ee Guddoomiye Cirrro, Isku Muuqadka Ragga Damacu Ka Hayo Xilkaasi Iyo Isku-diyaarinta Shirweynaha October

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay inuu mar kale Musharrax u yahay Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI, marka la gaadho Shirweynaha Xisbigaasi oo la qabanayo 30-31-ka bisha October ee sanandkan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo Jimcihii Shalay Qoraal ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Facebook, ayaa sheegay inuu Dadweynaha u sheegayo inuu Musharrax u yahay Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI, sidaasi darteedna uu ka dhex tartami doono shirweynaha.

Cirro oo Xilka Guddoomiyaha Xisbiga haya illaa sannadkii 2012-kii oo Xisbiga WADDANI ku soo baxay doorashadii Ururrada Siyaasadda isla-markaana ah Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi, ayaa qoraalka uu Jimcihii baahiyey wuxuu u qornaa sidan “Waxa aan maanta oo Jimce ah (shalay) si rasmi ah u iclaaminayaa in aan ahay Murashax u taagan Jagada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo aan ka dhex tartami doono Shirweynaha Xisbiga oo qabsoomi doona 30-31 Oktoobar 2021. GUUL….”

Warka uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa meesha ka saaraya Warar Maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayey, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa in Cirro uu Guddoomiye-nimada Xisbiga ku wareejinayo Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, taasi oo xilligaa loo fahmay inay qayb ka ahayd dedaallada uu Xisbiga WADDANI uu ku baadi-doonayo Codad badan, si uu mustaqbalka ugu guulaysto doorashada Madaxtooyada ee soo socota, laakiin Go’aankiisan dambe ee Shalay soo baxay ayaa arrimahaas oo dhan meesha ka saaray, haddii qorshahaa hore jireen iyo haddii kaleba.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Dadka qaarkood u saadaaliyeen in lagu wareejinayo Xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo isagana hore si gaar ah loogu ballan-qaaday in lagu wareejinayo Guddoomiye-nimada xisbigu midna kama hadal arrimaha socda oo dhan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office