Dawladda Kenya Oo Baahisay Magacyada Iyo Dalalka Ay U Dhasheen Afar Nin Oo Ka Mid Ah Dablaydii Weerartay Suuqa West Gate

19
587

Picture6Nayrobi(Geeska)-Dawladda Kenya ayaa baahisay magacyada iyo dhalashada afar ka mid ah dablaydii dhawaan qabsatay suuqa West Gate, laba toddobaad ka hor. Weerarka waxa hore u sheegatay Al-Shabaab.

Afhayeenka milatariga dalka Kenya ayaa sheegay nimankaas oo weerarka ku dhintay in magacyadooda ay yihiin,

Abu Baara al-Sudani,

Cumar Nabhan,

Khattab al-Kene

iyo Cumayr.

Ninka ugu horeeya liiskan ee Sudani, ayay Kenya sheegtay inuu haystay tababar milatari oo uu la soo qaatay Al-qaaciida, islamarkaana uu ku xeeldheeraa xagga toogashada, waxaanu siday warbixintu sheegtay u dhashay Sudan.

Ninka labaad ee Nabhan, waxay isna Kenya sheegtay inuu yahay nin asal ahaan Carab ah, balse haystay dhalashada Kenya. Ninka Al-Kene, ayay isna Kenya sheegtay inuu yahay Somali xidhiidh la leh Al-Shabaab, halka ninka afraad uu sheegay sarkaalka Kenya u hadlay inaan weli faahfaahin laga haynin.

Baahinta magacyada raggan ayaa soo baxay ka dib markii la baahiyay muuqaalo laga helay Kamaradaha ammaanka ee Westgate, kaas oo laga dhex arkayay afar nin oo hubaysan oo suuqa ku dhex meeraysanaya, islamarkaana si aanay cabsiyi ku jirin dhaqdhaqaaq u samaynayay. Mid ka mid ah afartaas nin, wuxuu diranayaa Telefoon Mobile ah oo uu sitay oo uu si degen ugu hadlayo. Waxaanay sitan qoryaha darandooriga u dhaca.

Dawladda Kenya, waxay hore u sheegtay in ragga weerarka fuliyay ay ahaayeen 10-15 ruux, waxase uu afhayeenka shalay ciidamada Kenya u hadlay xaqiijiyay inay tiradoodu noqotay afar ilaa lix nin, waxaanu ku dooday inaanu midkoodna ka baxsan suuqaas, ka dib markii ay weerarka fuliyeen.

Weerarkaas lagu qaaday Suuqa westgate, waxa ku geeriyooday 67 ruux, waxa dhaawac ah 175, waxaana la la’yahay 39 ruux, oo la aaminsanyahay inay ku dhinteen gudaha suuqaas.

Comments are closed.