“Gudoomiye Saleebaan Wuu Nool yahay, Cid Bedali Kartaana Ma Jirto, Waxa La Doonaya In La Iska Horkeeno Xukuumada Iyo……”

0
3945

Picture5Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay warar maalmihii u dambeeyay soo baxayey, kuwaasi oo sheegayey in siyaasiga Cabdiraxmaan Xirsi (Uurbayte) oo ah siyaasigii hogaaminayey Maleeshiyaadkii 600 dhamaa ee ka soo goostay kooxda Khaatumo uu dedaal ugu jiro Guddoomiyenimada Golaha Guurtida Somaliland.

Baashe Maxamed Faarax oo shalay saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in aanay suurtagal ahayn in la bedalo Guddoomiyaha Golaha Guurtida isla-markaana aanay jirin ka qaadi karta kursigiisa, waxaanu xusay in kursi walba ay beeli leedahay, sidaa daraadeedna aanay suurtagal ahayn in si dhibyar qof siyaasi ahi uu golaha Guurtida uga mid noqdo.

Baashe Maxamed Faarax, oo haddii qorshaha siyaasigani higalo uu saamayn ku yeelanayo, ayaa isaga oo ka hadlaya yidhi “Arintaa Warbaahinta ayaan ku arkay, xildhibaanno golaha Guurtida ah oo isku farasaarayna waala sheegayey, arinkaasina waa arin dacaayad ah, Guddoomiyaha Guurtidu wuu joogaa, cid bedali kartaana ma jirro, haddii la bedalayana golihiisa ayaa bedali kara, nin banaanka joogaana kursibaan iibsanayaa, kursiga lama iibsado, golaha Guurtida wax lagu fadhiyaa beelo, xildhibaan kastaana kursiga isagu malaha ee beel baa leh”

Baashe Maxamed Faarax, waxa kale oo uu sheegay “Meeshu maaha Saylad la iska iibsanayo (kuraasta), markaa hadalkaasi suuqa wuu ku jiraa, wax macquul ahna maaha, Guddoomiye Saleebaanna wuu nool yahay, kursigiisa cid bixin kartaana ma jirto wuuna soo socdaa, hadalkana waa hadal la doonayo inuu golayaasha iyo xukuumadda la iska horkeeno” ayuu yidhi