Wasiir Maxamed-Rashid Oo Ka Jawaabay Hadal Uu Mahiga Hargeysa Ka Sheegay Iyo Dooda Reer Galbedka Ee Ah In Aqoonsiga Somaliland Ka Yimaado Afrika

0
630

 

mahiga iyo RashiidHargeysa (Geeska)-Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Dr. Maxamed-Rashid Sheekh Xasan, ayaa ka hadlay weedho uu dhawaan Hargeysa kaga tiraabay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Augustine Mahiga, kaas oo uu Somaliland uga digay in kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho ka baxday ay saamayn ku yeelan karto.

Ergaygan Mahiga, ayaa kulan uu toddobaadkii hore la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka, waxa kale oo uu ku sheegay inaanu fahmi karayn sababta ay Al-Shabaab Muqdisho uga baxday. “Augostine Mahiga waxa uu Somaliland ku amaanay sida ay uga gaashaamatay abaaraha iyo Argagixisada labadaba, waxaanu uga digay in ay kooxdaa Al-shabaab ee ka baxday Muqdisho saamayn ku yeelan karto.” Sidaas waxa lagu yidhi warsaxaafadeed ay madaxtooyadu ka soo saartay kulan uu ergaygaasi la yeeshay Madaxweyne-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, lamana raacin warka madaxtooyada wax jawaab ah oo uu Mudane Saylici iyo wasiiradii kale ee la fadhiyay ka bixiyeen hadalkaas danjiraha oo ay dad badani u arkeen mid aan qaban Somaliland marka loo eego doorka ay kaga jirto la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeeda. Hase yeeshe Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Dr. Maxamed-Rashid Sheekh Xasan, ayaa sheegay inaanay jirin wax cabsi ah oo Somaliland ka haysa inay kooxahaasi ku soo fidaan, ka dib markii ay xog waraysi la yeesheen hay’adaha sirdoonka iyo ammaanka dalka. Waxaanu arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika.

Wasiir Maxamed, waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha uga soo qabsoomay safaro kala duwan oo uu dhawaan ku soo maray dalal badan oo Yurub ah iyo weliba aragtidiisa ku waajahan dooda wadamada reer galbeedka ee ah in aqoonsiga Somaliland marka hore ka yimaado ururka Midowga Afrika. Waraysigaas oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan:

Dr Maxamed Rashiid Sh Xasan waxaad marka hore warbixin guud naga siisaa safarkaagii qaarada Yurub iyo hawlaha wasaaradda arrimaha dibadu halka ay marayso wakhti xaadirkan?

Aad ayaad u mahadsantihiin. Ramadaan kariim dadka akhrisanaya waraysigan, gaar ahaan dadka reer Somaliland. Horta guud ahaan wasaaradda khaarajiga ee Somaliland waxay la jaan qaaday siyaasada cad ee madaxweyne Siilaanyo uu la yimid markii uu la wareegay maamulka wadanka. Xudunteeduna waxa weeye balaadhinta wasaaradda hawsheeda oo ha ahaato qaarad kasta iyo dhinac walba sida qaarada Yurub, qaarada Afrika, qaarada Carabta, xataa Laatin Amerika. Waxa kale oo qorshayaasha wasaaradda ka mida in aanu wadano aanu is leenahay way idiin dabacsan yihiin ama hawshiina diyaar ayey u yihiin inay wax idinkala qabtaan, horena aynu xidhiidho ula lahayn in aan ku waana sii xoojino, waliba Koonfur Afrika. Dabcan dawladaha jaarkeena ah sida jabuuti iyo itoobiya iyaga xidhiidh sokeeyo oo aad u wanaagsan ayaa inaga dhexeeya. Dhinaca kale waxaa la doonaya in wasaaradu xaga isku xidhnaanta caalamka ay la leedahay in aan wax badan ka qabano, gaar ahaan xaga ICT-ga. Markaa xudunta guud ee wasaaraddu sidaas ayey u socotaa.

Safarkii Yurub aad u joogeen haddii aynu eegno, waxaa jira wasaarado badan oo idinka idinka horeeyey oo sidan oo kale safaro ugu bixi jiray wadamada caalamka, isla markaana aan guulo badan aakhirka ka soo hoyn jirin, adiga safarkaagii Yurub wax guula oo aad ka soo haysay ma jiraan, haddii ay jiraan maxaa ka mida  oo dadka loo soo bandhigi karo?

Waxaa ka mida markii aynu halkan (Somaliland) si wanaagsan maamuulkii wadanka loola kala wareegay, gaar ahaana madaxweynihii hore iyo madaxweyne Siilaanyo. Meeshan waxaynu keenay wax wayn oo Yurub u ah aragtida ugu wayn ee siyaasiga ah, taas oo ah dimuquraadiyad, wadan yacni Somaliland oo kale ah oo si nabad ah ula kala wareega xukunka, Afrika sida aad ka war hayso xukunka oo lala kala wareegaa wax sahlan maaha, markaa sidii wanaagsanayd ee loola kala wareegay inaga runtii waa la inoo khushuucay, laakin waxay ahayd in aynu sii iibino fikradaas oo aynu aduunyada ka dhaadhicino. Dhaadhicinta waxa aynu u jeednaa in aynu nidhaahno waayahay, waayo intii ka horaysay oodhan waxaa la ina lahaa haddii aad doorashadan soo socota aad qabataan kor waxaa loo qaadi doonaa sidii la iidin eegi jiray iyo qiimayntii la idinku samaynaayey ama sidii arrinta qadiyadiina ictiraafkak ay arrintani kor u qaadaysaa ayey reer Yurub ina lahaayeen, waliba siyaasiiysinta reer Yurub ama baarlaman haku jiro ama dawladaha haku jiraan oo wasiiro ha ahaadeen. Dadka aqoon yahanada ah ee reer Yurub ee saxaafada ku jira ama jaamacadaha ka shaqeeyana sidaas ayey eegayeen. Waayo siyaasada aduunyadu way isku wada xidhan tahay oo waxaa la eegayey xaqiiqada dimuquraadiyadeena, maadama oo gobolka aynu ku jirnaa uu yahay xasaasi. Markaa waxay ahayd ta ugu wayni intii aan anigu joogay ka qayb galkii 18 May, taas oo ahayd arrin muhiim ah, iyada oo reer Somaliland isugu soo baxeen aduunyada oodhan, siiba magaalada London xudun wayn ayey ahayd oo ay dadka Somaliland ee ku dhaqan boqortooyada Ingiriiska iyo dadka kale ee ku dhaqan Yurub ay runtii isugu yimaadeen si ay maalintaas u tusaan siyaasiyiinta iyo shacabka Ingiriiska ah xiisaha way nee ay u qabaan in ictiraafkoodii la siiyo iyo inay doonayeen in dawlada Ingiriisku oo mar walba aad moodo dhinac wax inala doonaya, laakin anigu fikrad ahaan aan u malaynaayo inay dhinacyana ka gaabinaysa in arrintaas (Ictiraafka) la dar dar galiyo. Markaa taas ayaan ka qayb galay anigu. Waxay noqotay runtii in aniga oo maqan uu madaxweynuhu  i magacaabo. Waxay noqotaa markaa in aan laba fikradood madaxweynaha ka soo siiyo oo muhiim ah. Midi waxay ahayd fikradii markii uu madaxweynuhu xilka la wareegay ee ahayd bal sida ay u arkaan siyaasiyiinta reer Yurub ama dawlad ha ahaadan ama aqoonyahano iyo saxafiyiin ha ahaadaane. Ta kale oo ka sii muhiimsanayd waxay ahayd dadka reer Somaliland ee dibada ku nool, siiba kuwa Yurub ku nooli bal sida ay fikradoodu la tahay waxay dawlada cusubi soo kordhin karto iyo waxay nagula talin lahaayeen. Markaa runtii labadiiba si fiican ayaan fikrad fiican uga soo hooyey oo aan u keenay madaxweynaha. Waxaan tagay wadanka France, Belgium iyo Sweden saddexdooda caasimadood oo aad muhiim ugu ah aadna u danaynaya Somaliland. Waxyaabaha xiisaha leh waxaa ka mida wadanka France iyo wadanka Belgium-ka oo markii hore aad mooday in xiisa gooniya ay inoo qabaan, waliba markii habka dimuquraadiyad leh loola kala wareegay maamulka. Markaa intaas ayaa u xudun ahayd hawlihii aan soo arkay isla markaana madaxweynaha aan talo ahaan ugu keenay.

Wasiir waxaa jira siiba marka laga hadlaayo qaarada Afrika urur la yidhaahdo ururka midawga Afrika (AU), kaas oo aqoonsiga Somaliland aad loogu xidho, isla markaana ay ku xujeyaan wadamada Maraykanka iyo Ingiriisku. Markaa siyaasadiina cusub ma idiinku jirtaa sidii aad ula jaan qaadi lahaydeen xidhiidhna ula samayn lahaydeen wadamada qaarada Afrika si aad kalsooni uga heshaan ururka midawga Afrika?

Horta marka maraykanka iyo Ingiriiska oo kale ay leeyihiin Afrika hawshiinu haka soo dhamaato, waxaan taas u arkaa inay iska leexinayaan masuuliyad wayn oo ay iyagu ku leeyihiin. Waad ogtahay oo imika wadamada carabta waxyaabihii ka dhacay oo dawlada aan wali meel gaadhin oo Bangasi joogta ayey Maraykanka, Fransiiska iyo Ingiriiskuba ictiraafeen iyo wadano kale oo Yurub ahi. Markaa runtii wax sidii caruurta ay inagu maaweelin karaan maaha inay yidhaahdaan Afrika hawshiina haka soo dhamaato, Afrika oo qudheedu xaga dimuquraadiyada iyo tayada dawladnimo aan meelo badan kaga horayno. Markaa anigu runtii taas aad ayaan ugala doodaa nimanka siyaasiyiinta reer Yurub ee aanu is aragnay, waxaan ku idhi taasi waxa weeyaan sheeko aad iska duwaysan oo aan caqliga gali karayn xaqna aan ahayn. Sidaas ayaan u arkaa taas, laakin hadana ha ahaatee warbixintii ay inaga qoreen 2005 waa kuwii halkan midawga Afriki u soo diray wafti. Maalintii dhawayd ee 29 July shirkii lagu qabtay Ghatam House-ka niman Afrikan ah oo fikradaas ururka daba socday way joogeen. Markaa dabcan iyaga qudhadodu way wadaan anaguna waanu la wadnaa inay fikradaasi hana qaado. Laakin fikradaasi ilaa ragan aduunyada u taliya ee uu maraykanku ugu horeeyo ay fikradan gartaan Somaliland muhiimka ay u leedahay qaarada Afirka iyo iyaga nabad galyadooda iyo shacabkan reer Somaliland ee xuquuqdoodi ay ku xidhan yahay inay ictiraafka xaqa ay u leeyihiin inay kolba yidhaadhaan Afrika arrintiina ka soo hagaajista, aniga waxay ila tahay in aanay xooga xaq ahayn. Sidaas ayaan taas u akryaa, laakin dadaalka xaga Afrikana waan kaga jirnaa oo xataa xaga Yurub iyo Maraykankaba waanu kaga jirnaa.

Safarka uu madaxweyne Siilaanyo iyo waftigiisu ku tageen dalka shinaha maxaa laga filan karaa inay ka soo kordhaan?

Horta taariikhiyan dalka shiinuhu waa wadan wayn, intii aanay dhicin tawradii uu hogaaminaayey Mawtati, intii danbe in kastoo uu ahaa wadan shuuci ah oo ay nimanka wadamada reer galbeedku gooni ay u takooreen, hadana wadamada ugu muhiimsan ee dadkoodu ugu badan yahay weeyaan. Sanadihii ugu danbeeyey waxay noqdeen quwad aad u wayn xaga dhaqaalaha iyo xaga fidinta xidhiidhadoodaba, siiba waxyaabaha waaweyn ee ay Somaliland u baahantahay oo ah xaga saliida, xaga wadooyinka iyo xaga beeraha oo wax in lagala qabto ah. Markaa China door aad iyo aad u wayn aduunyada guud ahaan, Afrikana door gaara ayey ku leedahay, waana masuuliyad ay fahmeen madaxda shiinuhu inay Afrika oo ilaa iyo intay reer galbeedku gumaysteen ay sariig ay kula jireen inay meesha soo galaan oo ay wadamada Afrika la xaajoodaan oo ay ka qabtaan waxay ka qaban karayaan, inana (Somaliland) wadamadaas Afrika ayeynu ka mid nahay. Waxay aad u daneeyeen qorshe ahaan halka aynu ku naalo iyo khayraadka uu wadankeenu leeyahay. Dabcan taas ayaa sababtay inuu madaxweynuhu wafti baaxad wayn kaxeeyo oo ay China tagaan, waxaana la filayaa waxyaabaha aan tab-taabtay inay dhinac walba iyaga oo horumar ka sida madaxweynaha iyo waftigiisu ay soo noqon doonaan. Ugu danbayntii waxa cad ee halkaas lagala soo noqdo waftigu markuu soo noqdo ayaa la inoo sharaxi doonaa.

Safarkii uu danjire Mahiga ku yimi Somaliland, gaar ahaana kulankii uu la qaatay madaxweyne ku xigeenka wuxuu ku sheegay oo uu aad ugala hadlay khatarta ka iman karta kooxaha Al Shabaab oo ka baxday Muqdisho. Hadalkaas  sideed u aragtaa wasiiru dawle ahaan?

Horta wasaarada khaarajiga ciidamadeena sirdoonka iyo kuwa kale ee nabad galyada way wada shaqeeyaan, oo tusaale ahaan wasaarada khaarajiga hawlo badan ayaa ka dhaxeeya oo talooyin badan ayaa la isa siiyaa. Markaa kolay markii uu Mahiga lahaa waxaa halkan (Somaliland) laga yaabaa inay ku soo fidaan wasaarad ahaan waxaanu ka waraysanay sida ay fikradoodu la tahay ciidankeena nabad galyada iyo sirdoonka  qaabilsan markaas waxay noo sheegeen iyagoo aad uga war haya wax war war ah oo laga qabo inay halkan wax ku soo fidaan inaanay jirin, waxay yidhaahdeen hawshaas meel waba waanu kala soconaa annagaana sidaanu horeba uga foojignaan jirnay uga foojigan kana adag. Markaa mooji wuxuu Mahiga u jeeday. Inuu xoogaa na cabsi galiyo iyo inay ahayd mid iska khayr ah oo ah waar nimanka intaan lagu soo faafin wax ha lala qabto, markaa labada mid ay ahayd anigu war uma hayo. Wasaarad ahaana waxaanu u aragnaa in aanay jirin wax laga baqo oo aanu ku kalsoonahay ciidanka sirdoonka, ciidanka nabad galyada qayb kasta ha ahaadaane.