Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Horseed U Tahay Farriimo Culus Oo Doorashada Wakiilada Ku Saabsan Oo Ay Beesha Caalamku Soo Gaadhsiinayso Somaliland

0
1244

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay inay taageerayso doorashada golaha wakiilada ee Somaliland ee mudaysan, waxaanay sheegtay in Ingiriisku horseed ka yahay farriin culus oo ay beesha caalamku dirayso oo ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan.

Wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika Harriet Baldwin, ayaa ka jawaabtay su’aal uu Baarlamaanka Ingiriiska Salaasadii ku weydiiyay xildhibaan Stephen Doughty oo taageera qaddiyadda Somaliland, taas oo nuxur ahaan  ahayd taageerada uu Ingiriisku ka gaysanayo doorashada golaha wakiilada iyo in la damaanad qaadi karo in doorashadu dhacayso sannadkan 2019, Wasiir Harriet, ayaa ku jawaabtay  “Dawladda Ingiriiska,  weli waxa ka go’an in ay taageerto doorashada muddaysan ee Somaliland.

Waxa aanu hormuud u nahay farriinta heerkeedu sarreeyo ee beesha caalamka, iyo in aanu sanduuqa xiisadaha, ammaanka iyo xasiloonida ee (CSSF), kala shaqayno sidii loo horumarin lahaa nidaamka diiwaangelinta codbixiyaha, khibradaha farsamo ee guddiga doorashooyinka qaranka iyo in dumarku ka qayb qaataan doorashooyinka.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here