Bosaso: Xarunta Xawaaladda Kaah Oo La Weeraray Iyo Lacag Lagala Baxay

0
607

 

 

Bosaso(Geeska)-Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay shalay koox hubaysani weerareen Xarunta Xawaaladda Kaah ee magaalada Boosaaso.

Kooxdan hubeysan oo u dhacday gudaha xawaaladda, ayaa waxaa la sheegay inay qaateen lacag aan cadadkeeda la sheegin, ka dibna ay baxsadeen.

Mid ka mid ah shaqaalaha oo dhaawacan ayaa idaacadda VOA u sheegay in kooxda hubaysan ay banaanka ku soo dileen waardiyihii xawaaladda gudahana ay ku dileen mid ka mid ah howl wadeenadda xawaaladda.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay ahaayeen rag tababaran isla markaana inta aanay xawaaladda gudaha u gelin waxay xidheen wadada hormarta xawaalada, halka ugu yaraan 4 nin oo dabley ahina gudaha u galeen Xaruntaasi kuwaasi oo la sheegay inay jabsadeen khasnadii Bangigaasi.

Mas’uuliyiinta Laamaha Ammaanka ee Puntland, ayaa sheegay inay ku howlan yihiin baaritaanka cidda geystay weerarka, isla-markaana aaney jirin cid ay u soo qabteen weerarka Xawaaladda Kaah.