Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Loo Magacaabay Xoghaye Cusub

0
611

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii dawladda hoose ee Hargeysa Mawliid Kayse Muxumed, isagoo xilkaas u magacaabay Cali Xasan Cawaale.

Cali Xasan Cawaale oo ah xoghayaha cusub ayaa ka tirsanaa saraakiisha mudada dheer ka soo shaqaynayay wasaaradda arrimaha gudaha.

Xoghayaha xilka laga qaaday ayaa la magacaabay dabayaaqadii bishii January ee sannadkan, waxaanay xil ka qaadistiisu noqotay mid kedis ah.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya inuu  jiro dagaal siyaasadeed oo u dhexeeya dawladda hoose ee Hargeysa iyo xubno wasiiro ah.