9 Ka Mid Ah Xildhibaanada Harti Oo Cadeeyay Inay Taageerayaan In Baashe Noqdo Murashaxa Guddoomiyaha Wakiilada

0
533

Hargeysa(Geeska)-Sagaal xildhibaan oo ka soo jeeda beesha Harti, ayaa isku raacay in guddoomiye-xigeenka golaha wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax uu noqdo murashaxa beeshan u meteli doona tartanka guddoomiyaha golaha wakiilada, marka uu jagadaas baneeyo guddoomiyaha wakhtigan Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo la filayo inuu dhawaan is casilo.

Xildhibaanadan ayaa qoraal ay soo saareen oo ay ku socodsiiyeen golaha wakiilada iyo madaxweyne Silaanyo, waxay ku sheegeen inay taageersanyihiin codkoodana u hibaynayaan in Md. Baashe Maxamed Faarax uu noqdo murashaxa kursigaas, marka uu banaanaado.

Sagaalka xildhibaan ee sheegay inay taageerayaan codkoodana siinayaan Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

1. Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne

2. Xildhibaan Cali Maxamed Aadan

3. Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi

4. Xildhibaan Maxamed Ismaan Bulqaas

5.  Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud

6. Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi

7. Xildhibaan Cabdi Xaaji Hirad Warfaa

8. Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed ( Dhakool )

9. Xildhibaan Cabdiraxmaan Muuse Jaamac