Delhi (Geeska)- Warbixin uu faafiyey wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaadday in dawladda Hindiya ay ku jirto qorshe ay dhalashada ka xayuubinayso dad aanay tiradoodu ka yarayn 4 Milyan oo intooda ugu badani ay Muslimiin tahay. Dawladdu waxa ay dadkaas u aqoonsanaysaa in ay yihiin soogalayti shisheeye ah, arrintan oo qayb ka ah ajandayaasha wadaniyadda xagjirka ah ee ay waddo xukuumadda dalka Hindiya oo ah dal ay dad aad u kala qawmiyad iyo diin duwani wada leeyihiin.
Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku sheegay in dawladda Hindiya ay bilowday ol’ole ay ku raadinayso dadka ay ku magacowday soogalaytiga aan sharciga haysan ee ku dhaqan gobalka buuraleyda ah ee Asaam, oo ah gobal dadkiisu aad sabool u yihiin oo ku yaalla xuduudka uu dalka Hindiya la leeyahay dalalka Bangladesh iyo Myanmar.
Dadka gobalkan deggen oo tiradoodu dhan tahay 33 Milyan oo qof ayaa ay dawladdu u aqoonsantahay in ugu yaraan afar milyan oo ka mid ahi ay yihiin dad ku dhashay Hindiya laakiin ka soo jeeda waalidiin ama awoowyo hore oo ajaanib ahaa. Dadkan ayaa hadda leh xuquuq muwaadinnimo oo dhammaystiran, oo ay ku jiraan xuquuqda siyaasiga ah ee codaynta doorashooyinku ka mid tahay.
Dawladda Hindiya oo sannadihii u dambeeyeyba si hoose u wadday dhaqangelinta qorshaheedan ayaa xabsiyada dhigtay boqollaal dadkan ka mid ah, oo ay ku sheegtay in ay yihiin tarantii dad soo galayti ahaa. Soogalaytiga ay dawladda Hindiya ka hadlayso ayaa ah askartii Ingiriiska uga qaybgashay dagaalladii adduunka oo ka soo jeedday dalalkii uu Ingiriisku gumaysanayey ee adduunka daafihiisa. Askartaas ayaa isugu jira kuwo si iskood ah u yimi Hindiya oo tegitaankeedu u fududaa maadaama oo uu Ingiriisku gumasanayey dalalkooda iyo dalka Hindiyaba, qaar badan oo ka mid ahna dawladda Ingiriiska ayaa dalkaas u geysay sababo la xidhiidha dagaalladii koowaad iyo labaad ee adduunka.
Warbixintu waxa ay sheegtay in dadkan oo boqol sano iyo ka badan dalka deggenaa haatan loo aqoonsan doono soogalayti, dawladduna ay qorshaysay in ay ku ururiso xeryo waaweyn oo ka xidhan dalka intiisa kale.
Hay’adaha xuquuqda aadamaha ayaa ka digaya in dadkan oo qaarkood illaa awoowyadooda dalka Hindiya ku dhasheen aanay lahayn ama garanayn dal kale oo ay ka soo jeedaan, ama sheegan karaan, sidaa awgeed cadaadis la saaraa uu sii kordhinayo saboolnimada imikaba haysa, suurtagalna ay tahay in qaar badani ay is dilaan, haddii ay ogaadaan in xeryo xabsi furan ah lagu ururin doono, jinsiyada dalkana lagala noqonayo.
Dhinaca kalana muslimiinta dalka Hindiya ayaa qaba cabsi ah in dawladda dalkaasi ay dhabayso Istaraatijiyaddeeda waqtiga fog oo ah in ay dalka Hindiya u beddesho dawlad dadkeedu Hinduus qawmiya oo keliya yihiin.