Madaxweyne Biixi Oo Farriin U Diray Dawlado Ay Ku Jiraan Jabuuti, Sucuudiga, Imaaraadka & Itoobiya Oo Doonaya Inay Ciidamo U Dhisaan Badda Cas

0
744

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Qorshe Dalalka Khaliijka Carabta iyo Geeska Afrika doonayaan inay Ciidamo ilaalo ah ugu sameeyaan Badda cas.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay jirin Cid Somaliland ku matasha Qorshaha Dalalka Khaliijka iyo kuwa Geeska Afrika ku yaallaa ku doonayaan inay Ciidamo ugu sameeyaan Badda cas, Somaliland-na ay baddeeda iyo Berigeedaba iyadu ilaashato.

Madaxweynaha oo Shalay khudbad ka jeediyey Munaasibad Tababbar loogu soo xidhay Ciidamo Boolis ah, ayaa isagoo ugu horrayn ka hadlaya siday Somaliland ula macaamilayso Bulshada Caalamka wuxuu yidhi “Caalamka iyo Jaararkayaga waxaanu u sheegaynaa inaanu nahay Dad aaminsan oo ku dhaqmaya Nabad, jaarkayaga oo dhan ee dhinac kasta naga xiga waxaanu u fidinaa Gacan Nabadeed, xitaa haddii aanu is-qabano in aanu hab wada-hadal ah oo nabad ah wax ku xallino, Dad ka soo daalay oo Waayo-arag ah ayaanu u nahay dagaal iyo Qax, markaa uma baahnin, Carruurtayada iyo inta naga dambaysaana inay taa gasho uma baahnin gudaheena iyo dibeddiisa toona, nabad ayaanu cid walba u haynaa.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay “Caalamka nabad baanu u haynaa, wax kasta oo Horumarka aadmiga ka soo horjeeda waanu ka soo horjeednaa, wax kasta oo Bani-aadamka iyo Caalamka horumarinayana qayb-baanu ka nahay. Annagu Somaliland baanu nahay, Cid walba dantayada ayaanu kala shaqaynaynaa, danta horumarka dalkayaga, Qof kasta oo nala shaqaysanaya diyaar baanu u nahay annaga oo ah Laba Dawladood oo siman ah ayaanu leenahay Dad iyo dal baanu nahay ee maxaanu kula qabanaa, Cidna ka yeeli mayno wax Qaranimadayada wax u dhimaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in aanay Cidna Somaliland ku matalin Qorshaha Dawladaha Khaliijka iyo Geeska Afrika ku doonayaan inay Ciidamo ilaalo ah ugu dhisaan Badda Cas “Cidna naguma matasho badda cas, Dawladaha yidhi Badda cas waxaanu u samaynaynaa Ciidan difaaca ee 8 Dawladood ah waxaanu Cod dheer ugu sheegaynaa Baddayada iyo berigayaga anagaa difaacana, Cid aan nagala tashana iman mayso, kana yeeli mayno, mana nihin Qolo ku baqanaysa Cid baa xoog weyn iyo Taangi buu wataa midna ma aaminsanin, hore ayaanu Taangiyo ugu furanay Qori iyo Taki yar, Nin walba oo xoog weyn waxaanu u sheegaynaa Nabad iyo Walaalnimo ayaanu kaa rabnaa..”

Illaa dhammaadkii sannadkii hore ee 2019-kii waxa soo baxayey Warar sheegaya in Dawladaha Khaliijka oo ay ugu tun weyn yihiin Sucuudiga, Imaaraadka iyo kuwa Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Eriteria, Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ay wadaan Qorshe Ciidamo loogu dhisayo Badda Cas, Qorshahaasi oo ah ka Madaxweyne Muuse Biixi sheegay haddaan lagala tashan aanay dhinaca Somaliland ka suurto-galaynin.