Dawladda Boqortooyada Sucuudiga Oo Dekedda Berbera Ku Soo Celisay Markab Xoolo Nool Ka Qaaday

0
711

 

Hargeysa(Geeska)-Maamulka dekedda Jidda ee boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa dekedda Berbera ku soo celisay markab xoolo nool ka qaaday dhawaan.

Markabkaas oo magaciisa la yidhaahdo MV/Malaak, waxa uu siday 477 neef oo geel iyo 11175 neef oo adhiya, laakiin waxa la sheegay in la ogolaaday in la dejiyo geelii, waxase gebi ahaanba la soo celiyay adhigii oo ay tiradiisu dhammayd 11175 neef. Markabkan oo u rarnaa ganacsato reer Somaliland ayaa la sheegay inay soo celintiisa sababtay ka dib markii sida la sheegay xoolaha la raaciyay adhi ay da’doodu yartahay oo mudadii safarka ay ku sii jireen xanuunsaday, kuwaas oo sababay in laga shakiyo inay xanuunsanayaan.  Markabkan ayaa 24-kii bishan ka shiraacday dekedda Berbera, waana markabkii u horeeyay ee muddooyinkan dambe lagu soo celiyo dekedda Berbera.

Dawladda Boqortooyada Sucuudiga oo dareen xaasaasi ah ka qabta caafimaadka xoolaha ka dhoofa gobalka Geeska Afrika ayaa haddii ay xataa ka shakiyaan xoolaha waxa ay amar ku bixiyaan in dib loo celiyo, waxaana wasaaradda xanaanada xoolaha iyo ganacsatada dalkaba looga baahanyahay inay sameeyaan dedaalo ay kaga gaashaantaan inay dhacaan xoolo dambe oo la soo celiyo oo haddii ay soo noqnoto sababi karta in Sucuudigu go’aan adag ka qaato xoolaha Somaliland ka dhoofa.