Wasiir Ka Tirsan Dawladda Somaliland Oo Madaar Kenya Ku Yaala Lagu Qabtay Isagoo Shandadiisa Baastolad Ku Sita Iyo Sumcad Xumada Ay Keeni Karto

0
577

 

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka madaarada dalka62819985_1b78d26b03_o-300x200 Kenya ayaa madaarka degmada Wajeer ee dalkaas ku qabtay Wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland ka dib markii ay shandadiisa ka heleen Baastoolad.

 

Wasiirka Beeraha Somaliland Md. Faarax Cilmi Geedoole, oo Salaasadii toddobaadkan ka ambobaxay madaarka Hargeysa, ayaa la sheegay inuu shandadiisa gaarka ah ku iloobay Baaskoolad uu leeyahay maadaama oo aan wasiirada iyo mudanayaasha Baarlamaanka la baadhin marka ay madaarada dalka ka dhoofayaan. Balse ciidamada ammaanka ee madaarka Degmada Wajeer ee dalka Kenya ayaa markii ay shandadaha wasiirka baadheen waxa ay ka heleen Baskoolad taas oo yaab iyo amakaag ku riday. Laakiin wasiirka ayaa la sheegay inuu ku dooday inuu yahay wasiir islamarkaana uu sharcigu u ogolyahay inuu hub qaato balse uu isku iloobay markii uu dhoofayay, waxaanay ciidamada Kenya baastooladii dhigeen kastamka madaarka Wajeer. Hase yeeshe ciidamada ammaanka madaarada Kenya oo ay wada shaqayni ka dhaxayso Somaliland, ayaa la sheegay inay soo canaanteen hay’adaha ammaanka ee madaarada Somaliland. Dhinaca kale ilo xogogaala ayaa Geeska Afrikau xaqiijiyay in masuuliyiinta wasaarada duulista iyo hawada Somaliland go’aan ku gaadheen in la baadho cid kasta oo madaarada dalka ka dhoofaysa si loo daboolo fadeexado ammaan oo lagu sawiro sumcadda Somaliland ee dhinaca nabadgelyada.