Dawlada Qadar Oo Saxeexday Heshiis Ay Ku Iibsanayso 24 Diyaaradood Oo Kuwa Dagaalka Ah

55
3244

 

Dowladda Qadar ayaa £6 bilyan oo gini ku iibsaneysa diyaaradaha dagaalka ee Eurofighter.Dowladda Britain ayaa sheegtay in kumannaan qof ay shaqo abuur u noqoneyso arrintaasi.Shirkadda BAE ayaa shaqaaleysiineysa 5,000 oo qof si ay u sameyso diyaaradaha ay dalbatay dowladda Qadar iyo qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka ee uu khilaafka u dhexeeyo.Maamulka qadar ayaa loo sameynayaa illaa 24 diyaaradood, waxaana loo tababarayaa ciidamadii ku shaqeyn lahaa, illaa 2022-ka.Heshiiska waxaa magaalada Doxa ku saxiixay xoghayaha difaaca Britain, Gavin Williamson iyo dhiggiisa Qadar, Khalid bin Maxamed al Atiyah.Madaxa shirkadda BAE, Charles Woodburn, wuxuu sheegay in heshiiskan uu bilow u noqonayo xidhiidh dheer oo ay la yeeshaan militariga Qadar.Sameynta qalabka ciidamada ee shirkadda BAE ee dalalka Nato ayaa hoos u dhacay, balse weli waa shirkadda soo saarta qalabka militari iyo kuwa difaaca ee ugu qaalisan dunida, sida diyaaradaha difaaca ee Mareykanka ee loo yaqaano F-35.

 

Heshiiska Britain iyo Qadar waxaa qeyb ka ah in Doxa loo sameeyo madaafiic iyo qalab lagu hago gantaallada. Qadar ayaa dalabka heshiiskan gudbisay bishii Sebtembar.Waxay noqoneysaa dalkii sagaalaad ee iibsada diyaaradahan “ka dheereeya dabeysha”. Macaamiisha kale waxaa ka mid ah Sacuudiga oo gudbiyay dalab labaad oo Britain kaga iibsanayo qeyb labaad oo diyaaradahan ah.Bishii June waxaa soo baxay khilaaf culus oo u dhexeeya dalalka Khaliijka. Waddamada Sacuudiga, Baxrayn, Masar iyo Imaaraatka ayaa xidhiidhka u jaray Qadar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto “argagixisada.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here