Rabat (Geeska)- Xukuumadda dalka Marooko ayaa samaysay khad talefan oo dadka muwaadiniinta ahi ka soo sheegaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha kala duwan ee laaluushka ka doona. Samaynta talefankan oo qayb ka ah qorshe ay xukuumaddu doonaysay in ay kula dagaallanto dhaqanka ah in masuuliyiinta iyo shaqaalaha xilalka iyo shaqooyinka hayaa ay dadka ay u adeegayaan ka dalbadaan laaluush ama dadka qudhooduba ay la doontaan ayaa muwaadin kasta u furaya in uu sida ugu dhaqsaha badan ula soo xidhiidho talefankan. Wasiirka cadaaladda iyo xorriyadaha ee dalka Marooko Mustafa Ramiid oo warbaahinta u sharraxay qorshahani sida uu u shaqaynayo ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Adeeggani waa hab fudud oo keeni kara in dembiilaha laaluush doonka ah ama laaluush bixiyaha ah si dhaqso ah gacanta loogu dhigo, iyada oo weliba lagu dadaali doono in qofka soo sheegay magaciisa la qariyo” waxa aanu intaas ku sii daray, “Marka talefanka muwaadinku soo dhaco, waxaa markaba loo gudbinayaa saddex garsoore oo u xilsaaran ka jawaabista talefanka laga soo sheegayo laaluushka, kadib waxaa xeer ilaalinta loo gudbinayaa goobta talefankan laga so odiray, si dhaqso loogu soo qabto dembiilaha”
Waxaa muddooyinkii u dambeeyey sii kordhayey cabashooyinka laaluusha la xidhiidha ee ka soo yeedhayey haayadaha dawladda, gaar ahaan kuwa adeegga bulshada sida caafimaadka, waxa aanay xukuumaddu bilowday barnaamijyo wacyigelin ah oo bulshada loogu sheegayo in aanay laaluush bixin, cidda weydiisana soo ashkhateeyaan. Waxa iyaguna muddooyinkii dambe ku soo badanayey dalka Marooko muwaadiniinta sida qarsoodiga ah u duubaya masuuliyiinta iyo shaqaalaha laaluusha qaadanaya ama ka dalbanaya qofka ay u shaqaynayaan, waxa aanay muwaadiniintaasi filimada ay duubaan si joogto ah ugu faafiyaan bar-kulannada bulshada ee internet ka sida facebook.