Daweynta Ilkuhu Waxa Ay Saamayn Ku Yeelataa Caafimaadka Wadnaha Ee Gabadha

0
668

1Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in daweynta ilkuhu ay suurtogal tahay in ay gabadha ka ilaaliso xanuunnada wadnaha ku dhaca, iyo khataro gaadhi kara in dhiig maskaxda ku furmo. Cilmibaadhistan oo ay samaysay jaamacadda California ee dalka Maraykanku waxa ay caddaysay in dumarka si fiican u ilaaliyoa caafimaadka ilkahooda wixii dhibaato ku timaaddana ka daweeyaa ay boqolkiiba 70 ka mid ah ka badbaaddo khatarta ah in uu ku dhaco wadne istaag ama dhiig furan maskaxda ah, iyo xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga. Laakiin arrintan raggu lama wadaagaan dumarka, oo si kasta oo ay uga shaqeeyaan caafimaadka ilkahooda darajadan ma gaadho rajada ah in ay ka badbaadaan xanuunnadaas.

Tijaabooyin intii u dhexeysay 1996kii illaa 2004 laga qaaday 7 kun oo qof oo da’doodu u dhexeyso 44 illaa 88 sano, loona qaybiyey kuwo caafimaadka ilkahooda aad uga shaqeeya iyo kuwo aan weligoodba dhakhtar ilkood u tegin, ayaa muujinaysa in xidhiidh weyni ka dhexeeyo caafimaadka afka iyo xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga. Waxaa sidoo kale ka soo baxday in ragga iyo dumarku ay xaaladdan ku kala duwan yihiin oo dumarka ay faa’idadu u sii badan tahay.

Ugu dambayntii xeeldheerayaasha sameeyey daraasaddani waxa ay ku talinayaan in qof kastaa uu ilaaliyo caafimaadka ilkihiisa, kuna dadaalo in uu sannad kasta laba jeer u tago dhakhtarka. Isaga oo dhinaca kalana si joogto ah ugu dadaalaya in ilkaha uu nadiifiyo, afkana maydho ugu yaraan laba jeer maalin kasta, si ilkaha uu uga ilaaliyo in ay ku ururaan huurada iyo bakteeriyadu, taas oo marka laga tago caafimaadka ilkaha, sidoo kalana leh faa’ido ah in qofka aanay ku dhicin xanuunnada wadnaha iyo xaaladaha la xidhiidhaa.