Dawada iyo Qalniinka Qanjidhka Tayroodhku Waxa Ay U Baahan Tahay In Lagala Tashado Dhakhtarro Kala Duwan

40
3406

Berlin (Geeska)- Jimciyadda dhakhaatiirta sanka, dhegaha iyo dhuunta ee dalka Jarmalkaayaa ayaa sheegay in dadka qaba xanuunnada qanjaha Tayroodhka ay waajib ku tahay in aanay ku kaaftoomin dhakhtar keliya oo ay ku go’aan qaataan, balse ay maraan dhakhaatiir kala duwan oo takhasus ah. Waxa ay dhakhaatiirtu si gaar ah taladoodan ugu jeediyeen dadka qaba xanuunnada ay ka mid yihiin hoos u dhaca ku yimaadda shaqada iyo dheecaannada qanjidhka Tayroodhka oo dhuunta mara iyo kor u kaca aan loo baahnayn ee dheecannada iyo shaqada qanjidhkan.

Caadi ahaan si degdeg ah oo fudud ayaa baadhitaannada bilowga ah loogu gartaa xanuunnada qanjaha ku dhaca ee labada nooc ee aynu xusnaa ka mid yihiin. Laakiin waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in qofka aan markaba dawada loo bilaabin ama qalniin lagu samayn, maadaama oo uu marar badan qalad ka dhici karo shaybaadhka lagu ogaanayo cilladda runta ah ee ka jirta qanjaha.

Latashiga dhakhaatiirta kala duwan ee ay dhakhaatiirtani soo jeediyeen ayaa aan ahayn mid ku kooban in loo tago dhakhaatiirta takhasuska ku ah sanka, dhegaha iyo dhuunta oo keliya, balse waxa ay soo jeedinayaan in sida oo kale la tuso dhakhaatiirta fiixaha, gaar ahaan haddii uu qofku dareemayo in ay dhibaato ka haysato dhinaca liqidda cuntada. Waxa ay taladan dambe ujeedadeedu tahay in la hubiyo in uu jiro cudurka kansarku.

Ugu dambayntiina waxa ay dhakhaaytiirtu ku taliyeen haddii xaaladda qanjuhu ay gaadho in qalniin loo baahanyahay, ay sdia ugu fiicani tahay in la helo dhakhtar aad u khibrad iyo aqoon badan. Waxa ay sheegeen in qalniinka qanjaha Tayroodhku uu yahay mid aan la mid ahayn qalniinnada caadiga ah, maadaama oo ay dhici karto in uu ka dhasho cawaaqib xumo caafimaad oo aan qofka noloshiisa oo dhan ka hadhin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here