Dawada Dhiigkarka Oo La Joogtayn Waayaa Waxa Ay Khatar Ku Tahay Caafimaadka Wadnaha

0
803

Picture6London (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Talyaaniga ayaa daahfurtay in dadka dhiigkarka qaba ee caadaysta in aanay joogtay qaadashada dawada dhiigkarku ay yihiin kuwa ugu badan ee inta badan cisbitaallada loo keeno wadne xanuunka ka dhasha dhiigkarka. Cilmibaadhayaal ka tirsan Joornaalka ‘Blood Pressure’ oo ka faallooda dhiigkarka ayaa sheegay in tijaabooyin badan oo hore loo sameeyey ay caddeeyeen in qofka dhiigkarka qaba oo maalin kasta qaata kiniinkiisa dhiigkarku ay xakamaynayso khatarta ah in uu ku dhaco waden xanuun.

Cilmibaadhistan hadda la sameeyey ayaa tijaabo ku samaysay Afar kun oo qof oo qaba dhiikar si joogto ahna u qaata dawada dhiigkarka, kuwaas oo ay xeeldheerayaashu muddo Lix sano ah xaalkooda ku daba jireen, kadibna natiijada u soo baxday ay barbar dhigeen tiro kale oo ah iyaguna dad qaba dhiigkar oo aan joogtayn qaadashada dawada, waxa aana u soo baxday in boqolkiiba 26 illaa 50 dadka dawadooda joogto u qaataa ay kuwa aan qaadan kaga yar yihiin wadne xanuunka, oo lagu arko ugu yaraan boqolkiiba 34 dadka dhiigkarka qaba ee aan dawadooda joogtayn.

Dhakhaatiirta ku xeeldheer dhiigkarka ayaa sheegaya in natiijada daraasaddani ay ina siinayso farriin ah muhiimadda ay leedahay in qofka dhiigkarka qabaa uu ilaaliyo joogtayda dawada iyo waqtigeeda.

Haayadda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay saddexdii qof ee kasta ee dunida maanta jooga uu mid ka mid ahi qabo dhiigkarka oo sannad kasta ay dunida ugu dhintaan dad tiradoodu dhan tahay 9 Milyan oo qof. Dhibaatada ugu badanina waxa ay ka dhacdaa in dadka qaba dhiigkarku aanay muddo badan ogaan, sababtuna waa dhiigkarka oo aan lahayn calaamado dhaqso ah oo lagu garto, iyada oo dadka badankooduna marka ay isku ogaadaan ay dhayalsi ku waajahaan oo aanay qaadan talada dhakhtarka, dawada joogto u qaadan.