?Miami (Geeska)- Wiil iyo gabadh muddo dheer isku arday ahaan jiray aadna isu yaqaannay, balse markii ay weynaadeen kala baaday ayaa si kedis ah ugu kulmay meel aanu midkoodna kan kale ka filayn.
Haweenay garsoore ka ah maxkamad ku taalla magaalada Miami ee dalka Maraykanka ayaa iyada oo ku gudo jirta hawlmaalmeedkeedii caadiga ahaa waxa ay mar keliya aragtay in eedaysane loo soo geliyey qafiska dacwadaha la keenay si ay kiiskiisa u dhegeysataa uu yahay wiil ay muddo isku ahaayeen arday aad isu taqaanna. Si ay u dareensiiso in ay garanayso ayaanay weydiisay bal in uu sheego dugsigii uu yaraantiisii dhigan jiray, eedaysane Arthur Booth oo la yaabban sababta su’aasha ayaa madaxa kor u qaaday oo eegay garsoorihii, oo uu markiiba gartay. Naxdin iyo khajilaad ayaanu is hayn kari waayey oo waxa uu bilaabay oohin iyo is-ciil-kaambi isaga oo ka naxsan una qaadan la’ in garsooraha xukumayaa uu yahay ardayaddii ay isku fasalka ahaayeen.
Waxa ay ahayd jawi dadkii maxkamadda dhegeysanayey oo dhan aad uga qiiraysiiyey, waxaa shucuurtooda beddelay sawirka ay arkayaan ee labadan arday ee saaxiibka ahaa ee maanta midkoodna maxbuuska yahay kii kalana xukumayo, waxaana sii dhaawacay dareenkooda oohinta uu aamusi kari waayey eedaysane Arthur oo loo haystay dembi akhlaaq xumo la xidhiidha.
Garsooraha qudhiisa oo laga dareemayey qiiro iyo in ay ka xumaatay xaaladda ay ku aragtay ninkan oo aanay sidan ka filayn ayaa tidhi, “Xilligii dugsiga waxa uu ahaan jiray wiil aad u akhlaaq iyo anshax fiican” Waxa aanay sheegtay in waxbarashada ay jaalka ku ahaayeen ka sokow ay kubadda iyo ciyaaraha dugsigana la ciyaari jirtay. Iyada oo si qiiro badan u sheegtay in ay aad uga xuntay sida uu maanta xaalkiisu ku dambeeyey, waxa aanay ugu ducaysay in hadda kadib dib isugu noqdo oo qaladaadkiisa saxo si uu dib ugu soo ceshado shakhsiyaddii uu ahaan jiray.
Si kastaba ha ahaato ee kulankani waxba kama uu beddelin habsami u socodkii maxkamadda iyo go’aanka xukun ciqaabeedkii sharciga waafaqsanaa ee waajibka ahaa in gabadhani ku riddo jaalkeedan hore
Comments are closed.