“Waa Doorashadii Ugu Horaysay Ee Somaliland Ay Ku Guul-Daraysato, Guul Ii Noqon Mayso Guul-Darada Somaliland”

0
4178

gurayHargaysa( Geeska)- Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), ayaa ku tilmaamay doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay doorashadii ugu liidatay ee Somaliland ka dhacday.

Muj.Cali Guray waxa uu sheegay in ururadii ay noqdeen wax codkoodii laga burburiyay iyo wax loo badiyay, isla markaasna ay xukuumadu doonayso inay noqoto mid mudada sii kordhisata.

Muj.Cali Guray waxa sidan ku sheegay mar uu shalay saxaafadda kula hadlayay magaalada Hargeysa waxaanu ugu dambayntii tacsi u diray dadkii ku geeriyooday rasaastii ciidanka booliska, isaga oo eedaymo u soo jeediyay wasiirka arimha gudaha waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan"Waa Doorashadii ugu horaysay ee Somaliland ay ku guul-daraysato, Guul ii noqon mayso Guul-darada Somaliland waxay Guul u noqonaysaa kuwa ay Guusha Somaliland ay Guul-daradda u tahay, waxa inoo bilaabmay cahdi cusub waxaynu ilaali jirnay magac, waynu is tiili jirnay, Dad aan xishoonayan,  oon tudhayn, oo aan Dalkan lexee-jeclo ka lahayn,oo aan habranayan ayay taladeednii oo dhami gacanta u gashay oo waxa Dalkan ka dhacaya oo dhan Masuuliyadeeda iska leh, waxaan aad uga xumahay oo aan halkan ka tacsiyadaynayaa dadkii ku dhintay Rasaastii ay Ciidanku ridayeen ee Caruur yar-yar oo aan wax Hub ah sidan  Wasiirka Arrimaha gudduhu inta uu Ciiddamo u diray Rasaas laabta lagaga soo wada dhuftay hadda-na weli wuu hanjabayaa, waxaanu u arkaa inay Xabadu xal tahay hadday xal noqota-na isagaa tuuri ka uu sito."

Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo ka hadlaya shakhsiyadda hoggaamiyaha Xaqsoor, wuxuu yidhi  "Muwaadinka Xasan Ciise Jaamac waxa alaale iyo waxaa Xukuumadda ku jira isagaa uga lexeejeclo badan Dalkan iyo Dadkan, waayo inta isaga ka gashay kamay gelin, sidaa darteed anigu ma qabo inay Doorashaddani weli dhamaatay 7 Urur mid-na wixii xaqa uu u lahaa inuu helayo u malayn maayo waa wax loo buriyey iyo mid laga baabiiyey. Ururo dhan ayaa waxoodii laga dhigay wax la buriyay iyo wax la’baab’iyay walina way ku faanayaan, waxa ka sii daran maanta doorashada dalka ka dhacday lagama yaabo inay doorasho kale dalkan ka dhacdo, waayo qorshahoodu waa  ii kordhi iyo sii kordhi, haddiise ay ka dhacdo tanbaa noqonaysa tii ugu wanaagsanayd oo maanta ayay baaba’day.”

Ugu dambayn, wuxuu Cali-Gurey, hadalkiisa ku gunaanaday, “Horta Jini Ninkii keenaa furdaamiya waxa waxan baabiiyey ee sidaan wax u galay waa Komishanka iyo Xukuumadda u malay-maayo intay kala guraan inay Cadaalada sugi-karaan, laakiin wixii ay wax ka qaladamaan xaq bay u leeyihiin inay dacwoodaan."