Danjire Nicholas Kay Oo Kulamo Kala Duwan La Yeeshay Shirguddoonka Baarl;amaanka

0
793

Picture4Hargeysa(Geeska):-Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr:Niklas Kay ayaa shalay kulamo gaar ah Xarunta Baarlamaanka kula yeeshay shir-guddoonka Baarlamaanka Somaliland.

Mr:Niklas Kay oo maalin ka hor dalka soo gaadhay ayaa kulankan waxaa ay masuuliyiintii uu la kulmey uga warbixiyeen xaalada guud ee dalka,waxaana ay si weyn isula soo qaadeen arrimaha hada ka taagan gobalada bariga Somaliland,iyaga oo sheegay in ay Somaliland marwalba tahay dal ay ka go’an tahay isla mar ahaantaana jecel ilaalinta nabad galyada.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa kadib markii u u soo idlaaday uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) warbaahinta uga warbixiyey waxyaabaha ay ka wada hadleen.waxaana uu sheegay in ay ka cod sadeen in Qaramada Midoobay ay kor u qaado barnaamijyada dhinacyada horumarka gaar ahaan dhalinyarada sidii loogu samayn lahaa shaqo abuur toos ah.

"Shir gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland,waxaa uu xarunta Golaha Wakiilada kula kulmey wefti balaadhan oo uu hogaaminaayey wakiilka Xoghayaha ee Qaramada Midoobay Mr:Niklos Kay,waftigana waxaa shir guddoonku uga waramay xaalada guud ee qaranka,haday tahay Nabad galyada, haday tahay dhinaca horumarka, doorashooyinka,arrimaha gobalada bariga,horumarka arrimaha Dhalinyarada iyo shaqo la'aanta.waxaanu waftiga siinay warbixin buuxda oo arrimahaasi oo dhan ku saabsan,waxaana sida oo kale aanu ka codsanay in qaramada midoobay maadaama ay hada masuul ka tahay xafiiskiisu arrimaha horumarka, in Somaliland horumarkeeda la kordhiyo gaar ahaan mashaariicda wax loogu qabanaayo dhalin yarada,warbixintiina si fiican ayaa uu nooga dhageystay waxaana uu isna nooga xog waramay Xaalada guud iyo Xafiiskiisu waxaa uu qabto iyo safarkiisa oo ahaa adkeynta Xidhiidhka Xafiiskiisa iyo Jamhuuriyada Somaliland”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Somaliland Md:Siciid Jaamac Cali ayaa isna dhankiisa ka warbixiyey wax yaabaha ay kaga wada hadleen kulankan gaarka ah ee ay la qaateen Danjiraha Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya iyo Somaliland Mr:Niklas Kay.

“Ugu horayn waxaanu ka wada hadalnay habkii uu u aas aasmay golaha guurtidu iyo hawlaha uu qabto, waxaanan u sheegnay shaqada uu distoorku siinayo golaha guurtida, shaqada uu qabto iyo baahiyaha  uu golahani u baahan yahay in laga gacan qabto.” Ayuu yidhi Md:Siciid Jaamac Cali

Md:Siciid Jaamac Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa sida oo kale sheegay in Siyaasiyiinta Beelaha Harti ay kulamo la qaadanayaan Danjiraha Qaramada Midoobay Mr:Niklas Kay,waxaana uu yidhi:“Intaas waxa dheer anagu haddii aanu nahay beelaha Harti maanta(Shaley) ayaanu shir gaar ah  la leenahay, wixii aanu  ka odhan lahayn aanu xaga Somaliland iyo arimaha la xidhiidha waxaanu u daysanaynaa shirkaas, laakiin waa loo sheegay golaha iyo wixii ay Somaliland ku aas aasantay iyo halka ay marayso, waana loo lagala hadlay arimaha xuduudaha iyo dhibaatooyinka ka jira, meelaha yar yar eee hada la samaystay mawqifka ay somaliland ka taagan tahay, arimaha doorashooyinka kamaanu wada hadal.” Ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali.