Hargeysa(Geeska)- Guddida Dan iyo Duco ee Gobolka Saaxil, ayaa soo-saaray Baaq ay ku beeninayaan jiritaanka war ku soo baxay warbaahinta qaarkood, kaas oo ka hadlayay in guddida Dan iyo Duce uu dhex yaalo khilaaf laguna codsanaayay in la soo dhexgalo.
Waxaana Baaqa ay soo saareen Guddida Dan iyo Duco oo dhamays tirani uu u dhignaa sidan “Anaga oo ah Guddida Fulinta ee Dan iyo Duco ee Gobolka Saaxil kuna saxeexan hoos, waxay si cad u beeninayaan Baaqa ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya Cadadkiisii 5370, kuna Taariikhaysnaa 17/2/2014 iyo Warbaahin kale, Baaqaas meel badan taabanaya.Waxaanu haddaba cadaynaynaa in uu baqaasi ahaa Been-abuur aan Dan iyo Duco ka soo bixin, waxaanan ka doonaynaa Warbaahinta Qortay Baaqaasi Been-abuurka ah inay keenaan Cadayntiisa”
Magacayadda Guddida Dan iyo Duco ee Baaqan soo saaray waxa kala ahaayeen Muuse Xirsi Abokor (Muuse-Dalab) Guddoomiye,Maxamed Cabdilaahi Mirre,Chief Caaqil Axmed Caaqil Yare,Saleebaan Jaamac Jibiril (Saleebaan-Mijir,Jaamac Rooble Xirsi (Birqaab).”