Daalibaan Oo Ka Hadashay Sababta Dhimashada Mulah Cumar Iyo Cidda Beddeshay

0
630

Picture3Waxa ay sheegeen in dhimashadiisu aanay ahayn 2 sano ka hor iyo Halka lagu aasay

Kabul (Geeska)- War-murtiyeed shalay ka soo baxay golaha wada-tashiga (Shuuraha) ee ururka Daalibaan ee dalka Afghanistan ayaa ay ku sheegeen in hoggaamiyahoodii Mullah Maxamed Cumar uu dhowr maalmood ka hor u dhintay xanuun, laguna aasay gudaha dalka Afghanistan. War-murtiyeedkani waxa uu caddeeyey in labadii toddobaad ee u dambeeyey uu Mullah Cumar aad u xanuunsaday kadibna uu geeriyooday, waxaana lagu yidhi, “Qoyska Mullah Maxamed Cumar iyo dhaqdhaqaaquba waxa uu xaqiijinayaa geeridiisa”

Isla war-murtiyeedkan ka soo baxay golahan u dhigma Baarlamanka oo ah golaha sharciga ee ugu sarreeya ururka, waxaa lagu caddeeyey

Mullah Maxamed Akhtar Mansuur loo doortay hoggaamiyaha ururka oo uu warku ku sheegay “Amiirka Muuminiinta” halka ku-xigeenka koowaad laga dhigay Almawlawi Haybatullaah, Aakhuund Saadah oo isagu hore u ahaan jiray guddoomiyaha maxkamadda ugu sarraysa ee Daalibaan, ku-xigeenka labaadna laga dhigay, Mullah Siraajuddiin Xaqaani oo ah 42 jirka hoggaamiya Shabakadda Xaqaani ee xulafada la ah Daalibaan, xidhiidh adagna la’ leh Al-Qaacida, isla markaana ku jira liiska dadka uu Maraykanku raadinayo.

Hoggaamiyaha cusub ee Daalibaan Mullah Maxamed Mansuur oo Kontomeeye ay da’diisu tahay xilligii dawladda Daalibaan ka talinaysay Afghanistan waa uu soo noqday wasiirka duulista iyo wasiirka difaaca, waxaana lagu tiriyaa in uu ahaa ragga ay isugu dhow yihiin Mullah Cumar oo uu markii dambe ku xigeen u noqday, mararna uu si ku meel gaadh ah ururka hoggaankiisa u qabtay. Sida uu ku waramay Talefishanka Al-Carabiya oo warkan uu Geeska Afrika ka soo xigtayna waa nin taageero aad u ballaadhan ka haysta intat badan ee hoggaamiyeyaasha darajada dhexe ee Daalibaan.

Mullah Cumar wiilkiisii oo la-taiye noqday:

Warku waxa uu sheegayaa in wiil dhalinyaro ah oo uu dhalay hoggaamiyaha xijaabtay oo lagu magacaabo Maxamed Yacquub Maxamed Cumar, oo dhowaan ka qalin jabiyey jaamacad ku taalla magaalada Karachi ee dalka

 

Pakistan laga dhigay La-taliyaha

hoggaamiyaha Cusub.

Xeeldheerayaal ka faallooday arrimahan oo ay Al-Carabiya soo xigatay ayaa sheegay in buuxinta jagada Mullah Cumar iyo magacaabista hoggaamiyeyaashan kale ay meesha ka saarayso arrimihii ay ku andacoonayeen khubarada reer galbeedka ee lafa-gura siyaasadda Islaamiyiinta dunida, kuwaas oo sheegay in ay u dhowdahay in Daalibaan uu ku yimaaddo dil-dillaac, in badan oo hoggaanka jiilka dhexe ee awoodda leh ahina ay ku biiri doonto ururka Daacish, iyo in aanu jirin hoggaan iyo nidaam maamul oo u dhisan Daalibaan oo xal u heli kara bannaanshiyaha kursiga hoggaamiyaha. Ururka Daalibaan ayaa ah Islaami ka duwan Daacish oo ay siyaasaddiisa ku milan tahay aragti u eeg halgan bulsho oo lagaga soo horjeeddo joogitaanka ciidamada shisheeye ee Afghanistan iyo dawladda ay dhiseen, waxa aanu taageero ka haystaa qaabiilooyin dalkaas awood ku leh oo u arka urur ay leeyihiin.

Lama garanayo saamaynta ay arrintan ku yeelan doonto dagaalka hubaysan ee ururka, dhismihiisa iyo tan ugu muhiimsan oo ah wada-hadallo ururku muddooyinkii dambe la’ lahaa dawladda Afghanistan. Wada hadalladaas oo mid ka mid ah ay ay dhexdhexaadinaysay dawladda Pakistan, Maraykanka iyo Shiinuhuna goob-joog ka ahaayeen, halka mid kalana ay Daalibaan si dadban ula wadday Maraykanka qudhiisa, oo ay ku dhex jirto dawladda Qatar oo hore Daalibaan xafiis uga siisay dalkeeda, waxase ay dad badani filayaan in hoggaanka cusubi aanu waxba ka beddeli doonin nidaamkaas soo socday.

Ururka Daalibaan ayaa sida muuqata aan macno badan u samayn hadallo khamiistii hore ka soo yeedhay dawladda Afghanistan oo sheegayey in hoggamiyahoodii Mullah Maxamed Cumar uu laba sano ka hor ku dhintay cisbitaal ku yaalla magaalada Karachi ee dalka Pakistan. Waxase warkaas madow badan gelinaya cajalad maqal ahayd oo uu Ciiddii Ramadaan ee badhtamihii bisha Julaay Mullah Cumar soo saaray, kuna sheegay in uu taageersan yahay wada hadallada u socda ururkiisa iyo xukuumadda Afghanistan. Waxaana aad loo rumaysan yahay in codkii cajaladdaasi uu ahaa kii Mullah Cumar oo sax ah. Daalibaan ayaa shardi ka dhigaysa in heshiis kasta oo ay la galayso dawladda Afghanistan ay qasab tahay in ay ka horreyso in ciidamada shisheeyuhu ay ka baxaan dalka. Warar xog-ogaal ah ayaa iyaguna hore u sheegay in Mullah Cumar uu sannadkii 2001dii markii dawladdiisii ay reer galbeedku rideen uu magangelyo qarsoodi ah ku galay Pakistan oo uu ku noolaa.