“Dalka Somaliland Waxa Dhex U Ah Garsoor Madaxbanaan”Muniir Axmed Cigaal

0
477

Hargeysa (Geeska)-Kaaliyaha warbaahinta ee murrashaxa madaxwaynaha ee xisbiga WADDANI Muniir Axmed Cigaal ayaa ka hadlay siyaasiyiin ka tirsan xisbigaasi oo si sharci darro ah ugu xidhan Magaalada Hargeysa iyo cadaadis muddooyinkii u danbeeyay ay xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE saareen  Xisbiga WADDANI.

Muniir Axmed Cigaal oo shir jaraa'id oo uu arrintaas kaga hadlaayo ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa yidhi "Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ku nool nahay waxa uu leeyahay Distoor, Madaxweyne, Madaxweyne ku-xigeen, ciidamo qaran iyo Xisbiyo qaran, ku waas oo Distuurkeenu jideeyay in Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland u tartamaan nidaamka kursiga ugu sarreeyana loo maro, sidda curfiga Dawligga ahi dhigayo Waddan kasta oo Dimuqraadi ah oo adduunkaana ka jirta, waddan kastaa waxa uu leeyahay asxaab kala fikiro duwan, kuwaas oo ku tartama danta Dalka iyo u addeegida shacabka, taas ayay Somaliland la mid tahay oo ay ka jiraan saddex Xisbi qaran, waxa maalmihii u danbeeyay aad maqlayseen caddaadis badan iyo cabudhin ka imanaysay dhinaca xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo ku aadanayd Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ah ka ugu weyn Jamhuuriyadda Somaliland xagga taageerada shacabka.

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo hadalkiisa sii wata ayaa hay'adda garsoorka ugu baaqay inay dhex-dhexaad u noqdaan saddexda Xisbi qaran isaga oo farriin gaar u diray guddoomiyaha maxmadda sare Md. Aadan Xaaji Cali waxaanu yidhi "waxa is weydiin mudan Somaliland waxa ay ka kooban tahay nidaamka sharci-dajinta, fulinta oo xukuumadda ah iyo garsoorka, cidda u dhaxaysa ee kala xadaysa nidaamkaasi waa garsoorka dalka, haddaba su'aasha aanu annagu Xisbi ahaan is weydiinayno amma ay is weydiinayaan shacabka Somaliland waxa weeyi guddoomiyaha maxkamadda sare saaxiibkay Aadan Xaaji Cali waxa uu fagaarayaal badan ka sheegay in garsoorka dalku madax-bannaan yahay isaga oo ah nin dhallinyaro ah mastuqbalkana Dalkan rajo badan ka leh in uu hagaajin doono madax-bannaanida garsoorka, laakiin waxa noo muuqata oo dayro dheer iyo mid gaaban-ba aanu ka qabnaa madax-bannanid garsoorka, muddo bil ku dhaw  waxa xidhan mas'uuliyiin ka tirsan WADDANI oo sifaha loo qabtayna aan loo marin sifihii sharciga ahaa ee garsoorku xalaaleeyay, sharcigu waxa uu dhigayaa muddada qofka rumaan lagu hayn karo oo aan ka badnayn 24 saacadood waxa ay hadda xidhan yihiin muddo bil ah iyada oo aanay wax xukun ahi ku dhicin, waxa markaa aan guddoomiyaha maxkamadda sare weydiinayaa oo ay ka farcamaan dhammaan maxkamadaha Jamhuuriyadda Somaliland, booliska waxba odhan mayno oo waa dad la amro oo ay amar kaga yimi xukuumadda fulinaaya,  laakiin ciddii u dhaxayn lahayd waa garsoorka oo dhex u ahaan laha  sharci-dajinta, xisbiyadda iyo shacabka Somaliland, Aadan Xaaji Cali waxa aan weydiin lahaa ma caddaalad-baa in xisbi qaran oo doorasho u tartamaya oo wakhtigii doorashada taagan mas'uuliyiintiisa maalin kasta iyaga oo aan fal danbiyeed gacanta kula jirin in jeelasha lagu guro oo muddo bilo ah ay ku jiraan, sidee ayuu xisbigaasi maadaama oo ay maxkamadda sare tahay ta natiijada doorashada ee kama dambaysta ah jidaynayn doonta sidee ayuu kalsoonida garsoorka ku aamini karaa, iyada oo aanu ilaa hadda guddoomiyihu ka hadal madax-bannaanida xisbiyadda dastuurku waxa uu siiyay u damaanad qaadka xorriyadda hadal ee xisbiayadda iyo waliba bulshada reer Somaliland oo xorriyatul qawl xaq ah uu dastuurkeenu siiyay, waxaan halkan aanu mar kale uga soo jeedinaynaa xisbi ahaan in aanu aad iyo aad uga xunahay tacadiyada ka imanaya hoggaanka sare ee saraakiisha xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ee ku aadan xisbiga WADDANI" ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal.
Ugu dambayn Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo waxa uu xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE dib u xasuusiyay wakhtigii ay mucaaridka  ay ahaayeen, isaga oo ugu baaqay inay xorriyadooda loo soo celiyo mas'uuliyiinta  ka tirsan xisbigaasi oo muddo ku dhaw bil ku xidhan gudaha Magaalada Hargeysa " Soomaalidu  markay ka hadlayso dhacdooyinka waxay odhan jireen ma curadbaa mise waa ugub, waxa nasiib darro ah xisbiga KULMIYE aanu muxaafidnimada curad  ku ahayn ee uu ugub ku yahay oo mucaarid soo maray waxa uu garanayaa xannuunkii ay lahayd markii xarumaha xisbiga KULMIYE ay ciidamada boolisku waaran la'aan ku galayeen, saaraakiishiisa la xidhxidhayay, maanaan filayn maanta iyada oo uu waliba guddoomiye ku-xigeenka marka uu ka ahaa Muuse Biixi Cabdi inay maanta falkii oo kale ku dhaqaaqaan oo markii ay arkeen taageerada ballaadhan ee xisbiga WADDANI ay iska caabinta WADDANI  ay  u addeegsadaan awooddii dawladdeed, wakhtigu wuu is gurayaa cidda doorashada ku soo bixi doonta Illahay ayaa og waxa aan annigu leeyahay ha loo soo daayo xorriyadooda mas'uuliyiintaa xidhan hana helaan garsoor caddaalad ah, waxay makhraati u noqon doonta waxa aan sheegayaa iyo farriintaydu guddoomiyaha maxkamadda sare iyo dhammaan maxkamaduhuba caddaalada ay helaan saraakiisha xidhani kana helaan maxkamaddaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland" ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal.