Suldaan Aamiin Iyo Kooxo Gurmad Ah Oo Caawimo Gaadhsiiyay Dadka Abaaruhu Hayaan

0
527

Hargeysa (Geeska)-Wefti uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Beelaha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Amiin Suldaan Faarax, oo ay ka mid ahaayeen Dr Ismaaciil Maxamed Cumar (Caano Geel) iyo  Guddoomiyaha Guddida Qurba jooga Ayuub, ayaa socdaal ku tagay deegaano ka mid ah Gobolada Hawd iyo Maroodijeex, oo ay abaartu ka jirto, waxayna si gaar ah ugu kuurgaleen oo ay tageen Deegaanada Badro-maan, Muumin, Sayla. Iyo deegaano kale, waxaana Suldaanka iyo Weftigan uu hogaaminayo dadka degan deegaanadan ay tageen ee abaartu hayso u qaybiyeen mucaawinooyin kala duwan.

Suldaanka guud ee Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Amiin Suldaan Faarax, oo isagu ka hadlay safarkan ayaa yidhi “Gacanta ILLAAHAY baa weyn, ee ILLAAHAY aynu barino, dhul badan baynu soo marnay,dhulkaas badan waxa ka jiray weynu soo sheegnay, geel baynu arkaynay aan socon karayn, haddana irmaan, xoolo bakhtiya weynu soo aragnay, imikana waxaynu joognaa Degmadii Sayla, Degmada Sayla runtii Xukuumaddu aad bay wax uga qabatay”

Dr Ismaaciil Maxamed Cumar (Caano Geel), Guddoomiyaha Guddida Qurba jooga Beeshan, ayaa iyana sidoo kale ka hadlay socdaalkoodan ay ugu kuurgalayaan xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka degan Deeganadan ay mareen, waxayna sheegeen inay abaartii aad u taabatay, loona baahan yahay in wax loo qabto oo loo gargaaro, waxayna ALLE ka baryeen inuu ka dulqaado. Maxamed Cabdi Yuusuf oo isagu ah Guddoomiyaha urur caafimaad oo ka hawl gala Hargeysa, ayaa isna waxa uu ka hadlay gargaar caafimaad oo ay ka sameeyeen deegaadan, waxaanu sheegay in dadku uu u liito nafaqo daro iyo xanuuno ay sababeen abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Dhinaca kale dadka degan Deegaanadan ay weftigani marayeen ayaa uga mahadnaqay Suldaanka iyo Weftiga uu hogaaminayo uga mahadnaqay booqashadooda iyo muwaacimadan ay ugu deeqeen, waxayna xuseen in abaartu dhibaato weyn baday.