Dalalka Somaliland Ka Taageera Dimuqraadiyadda Oo Gaadhay Laba Qodob Oo Adag Oo Somaliland Khuseeya

0
609

Hargeysa(Geeska)-Wadamada Somaliland ka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka ayaa gaadhay go’aan adag oo khuseeya taageeradoodii maaliyadeed ee dhinacyadan.

Dalalkan ayaa go’aansaday inaanay wax taageero dhaqaale ah ku bixin doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka Somaliland, dib u dhaca iyo muddo kordhinaha yimid dartood, waxaanay isku raaceen inaan wax taageero ah laga gaysan labadan doorasho iyo weliba qaybinta kaadhadhka diiwaangelinta cod bixiyayaasha.

Sidoo kale waxa ay dalalkani isku raaceen qodob labaad oo ah in haddii ay Soamliland ku guuldaraysato inay qabato doorashada madaxtooyada ee qorshaysan November in dalalkani qaadaan talaabooyin culus oo saamayno badan yeesha. Diblomaasiyiin ka socota dalalkan ayaa siyaasiyiin reer Somaliland ah u sheegay inay dunidu ka niyad jabtay Somaliland dib u dhaca iyo muddo kordhinaha aan xadka lahayn dartood, waxaanay sheegeen in niyad jabkaasi keenay in la joojiyo dhaqaalihii lagu bixin jiray dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka laguna soo riixo Somaliland inay iska bixiso.

Waxa kale oo ay diblomaasiyiinta dalalkan ka socotay u sheegeen siyaasiyiinta reer Somaliland in haddii ay Somaliland qabsan weydo doorashadaas November ay dunidu faraha ka qaadi doonto, lagana yaabo inay gasho go’doon siyaasadeed, waxaanay ku adkeeyeen in lagu dedaalo in doorashadan madaxtooyada la qabto wakhtigeeda islamarkaana ay noqoto mid la mid ah doorashooyinkii hore ee jawiga nabadeed dalka uga qabsoomay.

Diblomaasiyiinta dalalkan ayaa sidoo kale sheegay inay Somaliland dib u dhaca doorashoyinka ku weyday saaxiibo badan oo kulamada caalamiga ah ee aanay Somaliland goob jooga ahayn uga doodi jiray kana difaaci jiray, kuwaas oo niyad jabka darteed meel iska dhigay taageeradii Somaliland.

Doorashooyinka Somaliland ee baarlamaanka iyo madaxtooyada ayaa noqday caqabad soo waajahday horumarkii ay Somaliland ku jirtay, waxaanu golaha wakiilada Somaliland kursiga ku fadhiyaa ilaa sannadkii 2005, halka Madaxweyne Siilaanyana kursiga ku fadhiya tan iyo 2010.