Dalalka Nidaamkooda Waxbarasho Dunida Ugu Fiican Yahay Iyo Hannaanka Xiisaha Badan Ee Ay Maraan (Q:1)

0
975

Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay ka warramaysaa nidaamka waxbarasho ee dalal ka mid ah dunida oo la caddeeyey in ay yihiin kuwa dunida ugu fiican dhinaca nidaamka waxbarashada.

1. Singapore: Dalka Singapore ee Koonfurta Bari ee qaaradda Eeshiya, ayaa ah dalka dunida oo dhan ugu fiican dhinaca nidaamka waxbarashada iyo hannaanka loo raaco. Tayeynta iyo kor u kaca waxbarashada ee dalkan ayaana ugu horreeya sababaha uu dalkan aadka u yari ku noqday dalka labaad ee dhinaca tartanka dhaqaalaha ee dunida oo dhan.

Dalka Singapore marka koowaadba waxa uu maraa nidaam waxbarasho oo dadka kala isirka ahi u siman yihiin helidda waxbarashada, waxa aanu u aybsan yahay, 6 – 2 – 2 oo macnaheedu yahay 6 sano oo dugsiga hoose ah, 2 sano oo dugsi dhexe ah iyo 2 Sano oo dugsiga sare ah.

Nidaamkan ayaa ah mid loogu talogalay in uu ardaygu goor hore dhammaystor noloshiisa aragtida ah isaga oo weli da’yarna uu gaadho nolosha ficil u rogista waxa uu bartay. Arrinta xiisaha leh ee dawladda dalkaas u fududaysay in dadkeedu ay waxbarashada wada qaataan ayaa ahayd markii ay waxbarashada bilaa lacag ka dhigtay, kadibna ay soo saartay xeer-ciqaabeed dhigaya in waalidiinta carruutooda geyn waaya dugsiyada waxbarashada la saaro ganaax lacageed oo illaa 5 kun oo doolarka Maraykanka ah gaadhsiisan, mararka qaarkoodna xadhig ah, iyada oo loo eegayo hadba sababta kalliftay in waalidku ilmaha waxbarashada geyn waayo.

Dhinaca kalana dawladda dalkaas oo ka duulaysa in waxbarashadu ay bud dhig u tahay horumarka ayaa macallimiinta ka dhigtay shaqaalaha dawladeed ee ugu mushaharka badan dalka, iyada oo weliba sannad kastana lacago abaal marinno iyo gunnooyin ah loo siiyo sida ay ugu kala fiican yihii shaqadooda.

2. Hong Kong: Nidaamka waxbarasho ee jasiiradda Hong Kong waxa uu aad u shabbahaa nidaamka waxbarasho ee dalka Ingiriiska oo ah dalkii jasiiraddan ka talin jiray intii ka horreysay sannadkii sannadkii 1997kii kadib markii uu dalka China ka kiraystay sannadkii 1842kii, kadibna dib ugu celiyey markii ay kiradii dhammaatay oo ahayd sannadkii 1997kii.

Waxbarashada Hong Kong waxa ay ku bilaabataa in ilmaha afkiisa hooyo loogu laqimo waxbarashada aasaasiga ah, laakiin marka uu heerka qoris-akhriska gaadho loo bilaabo manhajka oo ku qoran afafka Shiinaha iyo Ingiriisiga.

Dhinaca afafka manhajka Hong Kong waxaa uu diyaarsan yahay nidaam ardaygu ka soo baxayo isaga oo saddex af si isku mid ah oo aad u fiican ugu hadlaya, waa afka Hong Kong, Afka Shiinaha iyo af Ingiriisi. Barnaamijka caalamiga ah ee qiimaynta tayada iyo heerka ardaydu waxa uu nidaamka tacliimeed ee Hong Kong ku tiriyey in uu yahay kan labaad ee ugu fiican dunida oo dhan.

Nidaamka waxbarasho:

Nidaamka waxbarasho ee Hong Kong waxa uu u diyaarsan yahay, Saddex sano oo aa qasab ahayn oo ka horreeya waxbarashada rasmiga ah, (Qaybta barbaarinta ee afka Ingiriisigua lagu yidhaahdo Kindergarten – KG), kadibna waxa uu marayaa ilmuhu 6 sano oo dugsi hoose ah, 3 sano oo dugsi dhexe ah iyo 3 sano oo dugsi sare ah, kadib waxa uu u gudbayaa laba sao oo aan qasab ahayn oo uu ku diyaarin karo waxbarasho dugsiga dabadii ah oo lagu siinayo shahaadada lagu magacaabo, ‘Shahaadada Hong Kong ee imitixaanaadka waxbarashada.

3. Kuuriyada Koonfureed:

Dugsiga hoose ee dalka Kuuriyada Koonfureed waxaa la dhigtaa 6 sano, dugsiga dhexe iyo dugsiga sarana mid kastaa waa 3 sano, iyo jaamacadda heerka koowaad oo 4 sano ah.

Saacadaha waxbarasho ee maalintii uu ardaygu fasalka ku qaato ayaa ah, 15 saac, sidoo kale arday kastaa waxa uu maraa akademiyad dugsiga dabadii uu tago oo uu ku qaato 4 illaa 5 saac maalin kasta.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in ardayga u dhashay dalka Kuuriyada Koofureed ee seexda 3 saacadood oo keliya maalintii inta kalana dadaal waxbarasho sameeya ayuun baa ay suurtogal tahay in uu galo jaamacad aad u heer sarraysa, halka ardayga seexda habeenkii afar saac oo keliya, waxa uu geli karaa jaamacad iska dhex-dhexaad ah, halka ardayga hurdadiisa habeenimo ay tahay saacado ka badan Afar saac aanu kuba riyoonayn in uu jaamacadba galo, waayo saacadaha uu hurdo macnahooda ayaa ah in aanu waxbarashadii soo wada qaadan, maadaama oo ardayga si fiican waqtiga waxbarashada u qaataa aanu heli karin waqti hurdo oo afar saac ka badan maalintii.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in miisaaniyadda waxbarashada ee dalka Kuuriyada Koonfureed ay boqolkiiba 20 ka tahay miisaaniyadda guud ee qaranka, macallinka Kuuriyada Koonfureed waxaa laga dhaafaa shaqada qaranka ee ah in qofku uu mar cimrigiisa ka mid ah ku qaato ciidamada dalka.