Dalalka Midowga Yurub Dadka Soogalaytiga Ah Waxa Ay Ka Heleen Faa’iido Badan Oo Dhaqaale

40
3250

Brussels (Geeska)- Cilmibaadhis waxbarasho oo dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa caddaysay in qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub ay faa’iido aad u weyn oo dhaqaale ka heleen qaabilidii ay dalalkooda ku soo dhoweeyeen tiro aad u badan oo ah dadka soogalaytiga ah, maadaama oo ay ka dhex heleen shaqaale aad u badan oo ay ku jiraan xirfadlayaal badani.

War uu Geeska Afrika turjumay ayaa ay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay in shaqaalaha soogalaytiga ku ah Midowga Yurub ay xoojiyeen xaaladdii guud ee maaliyadeed ee ka jirtay inta badan ee dalalka Yurub oo ay ugu horreeyaan dalalka Iswitserland, Qubrus, Noorway iyo Beljam. Cilmibaadhistan oo ay samaysya jaamacadda Uppsala ee dalka Iswidhan ayaa daahfurtay in afartan dal ay faa’iidada ugu badan iyagu ka heleen dadka dalalkooda ay ku qaabileen oo ah tirada ugu badan marka loo eego shaqaalaha ka xoogsada dalalka Midowga Yurub

. Xirfadlayaasha iyo aqoonyahanka soogalaytiga ah ee dalalka Yurub yimi waxa ay kordhiyeen waxsoosaarkii shaqo ee dalalkan iyo faa’iidadii ay helayeen muwaadiniinta dalalkan ee mashaariicda iyo ganacsiyada kala duwan looga shaqaynayey, taas oo iyaduna dhankeeda si muuqata u kordhisay dakhligii dawladda ka soo galayey muwaadiniintooda suuqoodii ganacsi xaamiga noqday dakhligooduna kordhay.

Rafaa’iil Elsakooj ayaa oo ka qaybqaatay diyaarinta warbixinta daraasaddan ayaa isaga oo ka faalloonaya sida dakhliga soogalaytigu u kordhiyey muwaadiniintu uga qaybqaatay horumarka dhaqaale ee dalalkooda waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Lafagurka aanu ku samaynay waxa uu muujinayaa in inta bdan ee dalalka Midowga Yurub ee dhaqaalahoodu fiican yahay, ay muwaadiniintu dawladda ku celiyaan dhaqaale badan oo ay ku bixiyaan cashuuro iyo siyaabo kale. Dhaqaalahaas ay muwaadiniinta Yurub bixiyaan waxa uu ka badan yahay kharashka ay dawladdu ku bixiso adeegyada dadweynaheedu uga badan yahay, taas oo macnaheedu noqonayo in ay dakhli saafi ah ku kordhiyaan miisaaniyaddooda.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here