Dal Somaliland Hore Xidhiidhka U Jartay Oo Wefti U Soo Diray Hargeysa, Kulan ay La Yeesheen Madaxweyne Biixi Iyo Waxay Ka Wada-hadleen

0
911

Hargeysa (Geeska) – Sabtidii Shalay waxa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa soo gaadhay Wefti ka socda Dawladda Carbeed ee Qadar.

Weftigan oo uu hoggaaminayey Ergayga gaar ah ee Raysal-wasaare ku-xigeenka Dalka Qadar Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kaga hor-tagay oo Qaabilay Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kuwaasi oo hor-kacayey Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Liibaan Yuusuf Cismaan.

Soo dhaweynta ka dib, waxay Weftigu ka socda Dawladda Qadar ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxayna ka wada-hadleen Arrimo badan oo ay ka mid ahayd sidii Qadar ay xafiis Diblumaasiyadeed uga furan lahayd Somaliland, sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo safar shaqo ku yimi dalka Somaliland, kana socday dalka Qadar oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.

Ugu horrayna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixin dheer ka siiyey weftiga xaaladda guud ee dalku marayo maanta iyo halkii laga soo ambo qaaday geeddiga Dimuquraaddiyadda muddo Soddon sanno ah, waxaanu Madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar.
Waxaana kulankaasi lagaga wada-hadlay in labada waddan ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar halkan (Somaliland) ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah.

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qadar u qaabilsan mucaawimooyinka ee (Qadar Charity) ay xafiis uga furan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland, loona xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in halkaa laga ambo qaado xidhiidh wada shaqayneed oo labada dal yeeshaan.”

Dawladda Somaliland, ayaa hore xidhiidhka ugu jartay Dawladda Qadar, ka dib markii khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay Qadar oo dhinac ah iyo Xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo oo ay ka mid yihiin Imaaraadku.

Xilligaasi waxay Somaliland sheegtay inay xidhiidh u jartay Qadar isla-markaana ay la safan tahay Xulafada Sucuudiga.

Geeska.net/Hargeisa Office