Dal Rah Uu 80 Sano Ka Hor Dhulkiisa Ku Beeray Si Uu Uga Dilo Cayayaan, Imikana Doontay Qudhaanjo Ka Disha Rahii

0
700

Picture9Sydney (Geeska)- Masuuliyiinta dalka Australia ayaa helay farsamo cusub oo ay ku dabar gooyaan nooc ka mid ah raha oo burburiyo dalagga beeraha ee dalkaas. Rahan oo aad u waaweyn layntiisa waxa loo adeegsan doonaa nooc qudhaanjada ka mid ah oo loo yaqaanno Qudhaanjada dilaaga ah. Rahan oo muddo dheer fara baas ku hayey dhulka beeraleyda ah ee dalka Australia ayey masuuliyiinta dalkaas tijaabiyeen siyaabo badan oo ay u dabar gooyaan, waxa ka mid ahaa qababka ay ula dagaalameen, qaab loogu magac daray, ciyaarta Golof-ka oo ahaa in qof kasta oo arka rah uu qaabka kubadda golafka ugu dhufto ushiisa si uu rahu u dhinto, abaal gud loo ballan qaaday qof kasta oo tiro rah ah soo dila iyo deyr dheer oo lagu wareejiyey goobaha rahu ku tarmo si aanu ugu gudbin dhulka kale, laakiin dhammaan hababkaasi ma’ay guulaysan, si wax ku ool ahna umay dhimin tirada xad dhaafka ah ee raha.

Rake Shine oo ah khabiir u dhashay dalka Australia oo ku takhasusay cilmiga noolaha ayaa ikhtiraacay fikrad ah in dabar-goynta rahan loo adeegsado qudhaanjadan dilaaga ah, oo iyadu marka ay qaniinto si fudud uga takhalusi karta. arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in Rahan uu dalka Australia la tacaalayo asalkiisa laga soo waariday koonfurta Ameerika sanadkii 1935-kii so loogu adeegsado dabar goynta cayayaan uu ka mid yahay xarwal-waal xad dhaaf ahaa oo ku dhashay beeraha, taas oo la rabay in uu rahani cuno, in kasta oo uu xilligaa rahani si weyn wax uga qabtay cayayaankaas laakiin isagii oo aad u tarmay ayaa imika oo waqtigaas dalka la keenay laga joogo ku dhowaad 80 sano, waxaa la arkay in rahaas qudhiisu uu khatar ku noqday dalaggii beeraha ee dalka Australia.

Raha noocan ah ayaa ah mid aad u weyn miisaankiisuna waxa uu gaadhaa Hal kilo garaam, waxa uu markii keliya dhalaa 35 kun oo beed ah. rahani waxa uu qoorta ka sii daayaa sun halis ah oo isla markaba burburisa wadnaha xayawaan kasta oo ugaadhsada, laakiin qudhaanjada oo aan iyadu wadne lahayn ayaanay suntiisu waxba yeeli Karin. tallaabada uu hadda qaadi doono dalka Australia ayaa ah in beeraha lagu beero tirooyin qudhaanjada hilibka cunto ah si ay uga takhalusto raha.