Cisbitaal Lagu Daweynayo Cudurrada Nafsiga Ah Ee Ku Dhaca Siyaasiyiinta Ku Guul Darraysta Doorashooyinka

0
629

Picture10Delhi (Geeska)- Wasaaradda caafimaadka ee dalka Indonesia ayaa mar sii horreysay ku dhawaaqday in ay dalka oo dhan ka diyaarisay cisbitaallo lagu daweeyo xanuunnada nafsiga ah oo loogu talo galay in lagu dabiibo siyaasiyiinta laga yaabo in marka ay khasaaraan doorashooyinka ay la kulmaan dhibaatooyin nafsi ah iyo isku buuq. Tusaale ahaan doorashooyinka golayaasha sharci dejinga ee dalka Indonesia oo ah kuwa ugu xubnaha badan ayaa 600 oo kun oo murashax ay ku tartamayaan 18 kun oo kursi. Taas oo macnaheedu yahay in ay dhici doonaan in ka badan 550 kun oo murashax.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee dalkaas oo lagu magacaabo Sumardi ayaa yidhi, "Wasaaradda caafimaadku waxa ay amar ku bixisay in la hawl-geliyo 32 cisbitaal oo lagu daweeyo cudurrada nafsiga ah ee la filayo in ay dad badan ku dhici doonaan marka lagu dhawaaqo natiijada doorashooyinka soo socda" Afhayeenka oo sii wata hadalkiisa, sharraxayana sababta loo filayo in ay dad badani nafsi ahaan bukoodaan ayaa yidhi, "Murashaxiintu waxa ay ololaha ku galeen hanti iyo lacag xad dhaaf ah oo ay lahaayeen, sidaa awgeed waa iska dabiici in kuwa doorashada ku dhacaa ay la kulmaan niyad-jab iyo xanuuno badan oo nafsi ah" Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay wargeys lagu magacaabo La Repubblica oo ka soo baxda dalka Indonesia ayaa intaas ku daray, in illaa haddaba la ogyahay in ugu yaraan kala badh murashaxiinta tartanka ku dhacdaa ay la kulmaan xaalado aan xasiloonayn iyo isku buuq. Wargeyska kale ee Jakarta Post oo ka soo baxa dalka Indonesia ayaa isaga oo isna arrintan oo kale ka faalloonaya waxa uu qoray, "Siyaasi ka mid ah ragga murashaxiinta ah ee ka soo jeeda gobolka dhinaca bari ee Java ayaa la kulmay xanuun nafsi ah kadib markii uu ku guul darraystay tartankii Maayernimada magaaladiisa, murashaxan oo lagu daweeyey cisbitaalka xanuunada nafsiga ah ayaa la sheegay in uu la taag daran yahay deyn xaddi badan kadib markii 261 Kun oo doolar uu ku kharash gareeyey ololihiisa doorasho uu ku dhacay.