Dal Masuuliyiinta Dawladda Ka Mamnuucay Isticmaalka Talefanka Casriga Ah, Xilliga Shaqada Ay Ku Jiraan

0
552

Picture1Tehran (Geeska)- Masuul sare oo ka tirsan haayadda difaaca madaniga ah ee dalka Iiraan ayaa dhowaan ku dhawaaqay in xukuumadda dalkaasi ay qaadatay go’aan masuuliyiinta dawladda ee haya xilal sir qaran si uun u soo gelaya ama u ogaan kara laga mamnuucay in arrin shaqada la xidhiidha iyo xilliyada shaqadaba ay adeegsadaan talefannada casriga ah, si looga dheeraado khatarta ah in la basaaso.

Dhawaaqan dalka Iiraan ayaa soo baxay kadib markii ay masuuliyiinta dalalka Switzerland iyo Austria ay si gooni gooni ah ugu dhawaaqeen in ay furayaan baadhitaanno la xidhiidha basaasid lagu sameeyey hudheellada ay deggen yihiin masuuliyiinta dalka Iiraan u qaabilsanaa wada hadalladii dhowaan lagu gorfaynayey arrimaha Nukliyeerka oo ka dhacay dalalkan. Khubaro u dhalatay labadan dal ayaa Israa’iil ku eedaynaya in ay iyadu ka dambaysay basaasidda masuuliyiinta.

Janaraal Qulaam Ridaa Jalaali ayaa war uu siiyey wakaaladda wararka ee dalkiisa oo uu Geeska Afrika soo xigtay waxa uu ku yidhi, “Masuuliyiinta ogaan kara ama hela xogta sirta ahi waa in aanay isticmaalin talefannada casriga ah. xilliga shaqada waa in ay talefanno kale adeegsadaan” Janaraal Jalaali isaga oo sii sharraxaya sida loo basaasi karo talefannada casriga ah ayaa waxa uu hadalkiisa ku sii daray, “Talefannada casriga ahi mar kasta xogta lagu kaydiyo, uu ku xafido meel u gaar ah (Aan ahayn halka qofku ku kaydsaday ee ku og yahay), shirkadaha sameeyey talefannaduna ay awood u leeyihiin in ay xogtaas soo gaadhaan” masuulkani waxa uu sheegay in hadda la wado qorshihii go’aankan cusub lagu dhaqan gelin lahaa.

Sida log yahay sannadihii u dambeeyey dalka Iiraan waxaa si isdaba joog ah uga dhacayey isku dayo kooxaha internet wax ka basaasaan ay doonayeen in ay ku gaadhaan barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iiraan iyaga oo adeegsanayey Virus marka hore Kombiyuutarka lagu soo deynayo.