Dagaalo Ka Soo Cusboonaaday Hawdka Xarshin Ee Kilil 5

0
841

Hargeysa(Geeska)-Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaal shalay deegaanka Xarshin ee kilika shannaad ee Somalida Itoobiya ku dhex maray laba beelood oo kasoo kala jeeda Ogaden iyo Isaaq. Labada beelood oo kala ah Reer Liibaan oo Isaaq ah iyo Absame oo Ogaden ah, ayaa ka dhashay murano dhinaca dhulka oo muddo soo taagnaa, kuwaas oo aan weli xal loo helin.

Dagaalka ayaa sababay laba dhaawac ah iyo mid dhimasho ah, waxaanu ka dhashay dhaqdhaqaaq ciidan oo labada dhinac ka dhex socday maalmihii u dambeeyay. Dagaalka ayaa la sheegay inuu shalay iskii u istaagay, waxase la filan karaa inuu mar walba dib u qarxi karo.

Labada beelood oo uu hore dagaal u dhex maray, ayaa la sheegay inay dhawr goor go’aan ku gaadheen inay ka heshiiyaan waxyaabihii dhacay balse aan lagu guulaysan in la fuliyo. Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa lagu eedaynayaa inay la socoto mid ka mid ah labda dhinac oo ah Beesha Ogadeen, waxaanay ciidamada Liyuu Boolisku dhawr goor farogeliyeen wada hadalo dhaqan oo labada dhinac u socday oo lagu doonayay in mag lagu kala qaato, kuwaas oo aakhirkii burburay, iyagoo garabka saaray Beesha Absame.

Maaha markii kowaad ee lagu eedeeyo dawlad deegaanka Somalida Itoobiya inay la kala safato dadka shacabka ah ee reer Itoobiya, iyado dhinac saarta mid ka mid ah beelaha dhulkaas wada leh.