“Dagaalka Waxa Gala Nin Beeb Iska Cabaaya Oo Waligii Aan Dagaal Arkin Oo Kursi Yar Isku Ruxaaya. Annagu Waayo Arag Ayaanu Nahay Oo Dagaal Uma Socono”

32
2976

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aan inta badan dadka ciidamada iyo dagaalada soo maraa aanay ku degdegin saxeexa colaada balse dadka aan ciidanka aqoonta u lahayni ay ku dheereeyaan saxeexiisa.

Waxa uu madaxeynuu si duur xul ah ula hadlay madaxtooyada maamul gobaleedka Puntland oo ku dhawaaqday inay dagaal Somaliland ku soo qaadayso, waxaanu sheegay in xuduudka dalka la difaaci doono, waxa uu sidan ka sheegay madaxweyne Biixi dafcad ciidamo ah oo uu u soo xidhaayay tababar ay ku dhamaysteen  xerada tababarada Cabdillaahi Askar ee duleedka Hargeysa.

Madaxweyne Biixi oo arimahan ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Anaga oo xeradii ciidamada joogna waxaanu ku baaqaynaa nabad uma socono weerar cidna,Puntlnad kuma socono laakiin xuduudkayaga waanu daafacaynaa waa waajib na saaran oo waa kaanu qaranka ugu dhaaranay.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataan waxa uu yidhi”Ninka ciidanka ah ee dagaalka yaqaanaa waligii kuma degdego inuu dagaal saxeexo, had iyo goor dagaalada waxa gala niman shicib ah oo looga taag waayaa, buug kasta ka akhri, jananada marka loo yeedho ee la yidhaahdo waa la duulayaa sagaal bilood ayay dib u dhigaan halkana taasbaa ka dhiman, marka sahanka la sugo, marka tababarka qoladaas laga soo saaro, hubkay wax ka dhiman yihiin, qoladii caafimaadka dhiman, mar walba waa ay ka war wareegaan, waayo waxa ay garanayaan waxa ka imanaaya.

Madaxweyne Biixi ugu dambayn wuxuu yidhi “Dagaalka waxa gala nin beeb iska cabaaya oo waligii aan dagaal arkin oo kursi yar isku ruxaaya, anagu waayo arag ayaanu nahay oo dagaal uma socono oo waanu daalanay, xadka ayaanu daafacaynaa, ninka war mooga ah ee buuga soo akhriyay oow adiga ayaa cirka roob ku og anagu se kugu soo duuli mayno.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here