Dagaalka Jacaylka: Dagaal Dhaqameed La Isu Adeegsado Barkimooyin Oo Ka Dhaca Hong Kong

0
882

 Picture9Hong Kong (Geeska)- Boqollaal dad ah oo reer Hong Kong ah ayaa isugu soo baxay fagaare aad u weyn si ay isaga hor yimaaddaan dagaal dhaqameed la isu adeegsanayo barkimooyin oo lagu xuso jacaylka. Dagaalkan oo oo muddo saacado ah socda ayaa lagu magacaabaa maalinta caalamiga ah ee dagaalka barkimooyinka, waxaana shardi ah dadka ka qayb qaadanayaa in ay rag iyo dumarba soo xidhaan dharka hurdada.

Masuulkii sannadkan ka masuulka ahaa agaasinka iyo isku-dubaridka dagaalkan Tom Grundy ayaa sheegay in dagaalkan oo dad badani aad ula yaabaan uu astaan u yahay jacaylka iyo midnimada bulshada, mar uu ka hadlayey bal in dagaalkan wax adduun ah ay ka faa’idaan guddida qaban qaabaduna waxa uu yidhi, “Dagaalkani ma laha ujeedo ganacsi iyo mid siyaasi ah midna” Grundy oo qudhiisu ka mid ahaa dadka tirada badan ee dagaalkan ku jira ayaa isaga oo barkimooyinku dushiisa ku dhacayaan oo ku dhex jira sawaxanka iyo qaylada waxa uu saxafiga oo hareer taagnaa ku yidhi, “Dagaalkan barkimooyinku waa hab dadka lagaga fududaynayo culayska iyo daalka ku lammaan nolol maalmeedka casrigan, gaar ahaan marka la eego magaalada Hong Kong oo ah magaalo mashquul ah”

Grundy oo faahfaahin ka bixinayey ciyaartan loogu magac daray dagaalka jacaylka ayaa sheegay in sannad kasta dagaalkan lagu qabto 100 magaalo oo kala duwan oo dundia daafaheeda ah, taas oo uu ku tilmaamay in ay qof kasta u tahay fursad. Dhinaca kalana Grundy waxa uu sheegay in dadka ugu badan ee dagaalkan ka qayb qaataa ay yihiin dhalinyaro u badan arday dhigata dugsiyada, waxaana si gaar ah loogu dhiirri geliyaa ardayda isu diyaarinaysa imtixaanaadka nihaa’iga ah si looga yareeyo culayska nafsiga ah iyo warwarka ardayga soo food saara xilliyadan oo kale.

Ardayada 13 jir ah oo lagu magacaabo Paris ayaa iyaduna ka hadashay aragtideeda ku aaddan dagaalkan oo ay ka mid ahayd dadkii sida xamaasadda leh uga qayb qaadanayey, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Waxa aan halkan u imi keliya si aan naftayda u soo nafisiyo, in aan mar labaad dib ugu noqdo carruurnimadii iyo farxaddii, oo aan uga fogaado dadka oo waqtiyadan oo kale caado u leh in ay mar kasta ku xasuusiyaan imtixaanak ku sugaya iyo dhibta kuu taalla ee ay tahay in aad ka gudubto” Koox kale oo ka mid ahayd ka qayb galayaashii dagaalka jacaylka ee barkimooyinka ayaa sheegay in ay goobtan u yimaaddeen si ay naftada uga yareeyaan cadaadiska iyo culayska ka dhasha waajibaadka iyo laylisyada dugsiyada, gaar ahaan xilliyadan imtixaanku soo dhow yahay. Dhalinyartan oo da’dooda lagu qiyaasay 18 jirro ayaa sheegay in uu yahay hab fiican oo lagu maararroobi karo, la iskuna illowsiin karo diiqadda. Inta badan dagaalka jacaylka ee barkimooyinka laguma arko khasaare naf iyo adduun marka laga tago googo’a iyo daadashada barkimooyinka dagaalka loo adeegsanayo.